Wasiirka Dastuurka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta ADAL MEDICAL UNIVERSITY Ee Boorama

0
268

“Haku koobnaanina shahaadada Degree-ga oo keliya isku daya in aad cilmiga sii balaadhisaan”… wasiirka Dastuurka

Khadar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa maanta magaalada Boorama kaga qayb galay xaflad loo qabtay arday ka qalin jebiyay Jaamacada ADAL MEDICAL UNIVERSITY.
Munaasibadaasi loo sameeyay ardayda ka qalin jebiyay jaamacadda ADAL MEDICAL UNIVERSITY ee magaaladda waxaa ka soo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Cali Xaamud Jibriil, wasiirka qorshaynta Dr. Buuxane, wasiirka hawlaha guud.
Maayarka Boorama, wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland, siyaasiyiin, aqoon yahano, maamulka jaamacadda ADAL MEDICAL UNIVERSITY, waalidiinta ardayda qalin jebinayay, iyo marti sharaf kaloo tiro badan.
Ardaydaasi xafladda loo sameeyay ayaa ka qalin jebiyay ama dhamaystay kuliyadaha kala duwan ee waxbarashadda ay bixiso jaamacadda ADAL MEDICAL UNIVERSITY.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,
oo khudbad ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ugu horayn waxa uu hanbalyo iyo dhiiri gelin u ardayda qalin jebiyay.

Sidoo kale waxa uu wasiirku bogaadiyay Waalidiintii ku soo tabcay ardayda iyo Weliba macalimiintii wax soo bartay.
Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadalkiisa sii wata ayaa ardayda kula taliyey inay geediga waxbarashada halkaa kasii wadaan.
“Haku koobnaanina shahaadada Degree-ga oo keliya, isku daya in aad cilmiga sii balaadhisaan” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

 

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply