Wasiirro Dhagax Dhigay Dhaambiyood laga Hirgalinayo Gobolka Hawd

0
216

Baligubadle(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Khayraadka Biyaha Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan Wasiirka Wasaarada Arimaha  Dibada Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale Iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda ayaa shalay si wada jira u  dhagax dhigay Dhaambiyood laga hirgalinayo Deegaanka Bidhiiqe ee ka tirsan Gobalka Hawd.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Khayraadka Biyaha Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa waxa uu sheegay in dhaambiyoodkan laga hirgalinayo  Deegaanka Bidhiiqe ee  Gobalka Hawd uu qaadi doono 400 kun oo foosto,Waxaana uu yidhi”Waxa aan ku faraxsanay Dhaamkan oo Baligubadle yeelan doono waa dhaam aad u wayn oo qaadi  doono 400 kun oo foosto,markii xilka lay dhiibay Madaxweynuhu wuxuu igu yidhi Baligubadle aad uga war hay,hadaad aragtaan biyo badan iyo aniga oo ku soo noqnoqanaya dardaarankii Madaxweynaha ayaan qabaa waxaana uu yidhi Madaxweynuhu  reer Baligubadle ayaan ahay ee ka war hay.anaguna taariikh farabadan ee ay leedahay ee halgankii iyo tacabka ay dalka galiyeen reer Baligubadle ileen waa hantidii  dalka ee la wada la haaye ayaa waxoogu qabanayaa,”.

Wasiirka Wasaarada Arimaha  Dibada Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in Dhaambiyoodka uu wax ka tari doono nolosha dadka dagan deegaankaas.Waxaana uu yidhi”Dhaamkan halkan laga hirgalinayo waxa aan filayaa in nolosha dadka halkan dagan  wax badan ka tari doono,marka biyo la helo ayaa nolol la helaa waxaana aan u mahadnaqayaa Wasiirka Wasaarada biyaha,”.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Rambo oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in laga fulinayo Miisaaniyadda qaranka.Waxaana uu yidhi”Dhaamkan laga hirgalinayo Gobalka Hawd waxa uu ka mid yahay shan dhaam oo laga fulinayo  Misaaniyadda qaranka,waxaana laga doonayaa Shirkada ku guulaysatay mashruuca Dhaambiyoodka in uu noqdo mid dadku biyaha ka cabaan mustaqbal dheer”.

Sidoo kale  Guddooniyaha Gobalka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax iyo Maayarka Magaalada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed Shiine oo hadal ka jeediyay dhagaxdhuga Dhaambiyoodka ayaa uga mahadnaqay Mashaariicaha Xukuumadda ka hirgalisay Gobalka Hawd,

 

 

Leave a Reply