Thomas Tuchel oo Kusoo Laabanaya Horyaalka Premier League & Kooxda uu la Wareegayo

0
230

Tababarihii hore ee Chelsea ee Thomas Tuchel oo bishii hore ee September shaqada laga caydhiyey ayaa la sheegay in uu dib ugu soo laabanayo horyaalka Premier League oo uu tababare ka noqon doono isaga oo kaliya kasii maqnaa wax aan ka badnayn bil iyo dheeraad.

Sida uu xaqiijiyey wargeyska The Sun ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Thomas Tuchel ayaa ka mid noqday tiro tababareyaal ah oo ay indhaha ku hayso Aston Villa oo la sheegay in maanta ay qortay warqadda ay shaqada kaga caydhinayso Steven Gerrard, laakiin war ay kooxdu soo saartay ku beenisay.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in Steven Gerrard uu saaran yahay culays badan oo ay kooxdiisu kaalinta 16aad kaga jirto horyaalka Premier League, isla markaana ay hal dhibic oo kaliya ka sarreeyaan kooxda khadka cas ku jirta ee Southampton.

Tababarihii hore ee Rangers, ahna halyeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa waxay saxaafadda Ingiriisku sheegaysaa in inkasta oo ay Villa beenisay inay eriday, in haddana aanu cago adag ku taagnayn oo mustaqbalkiisu uu kusoo afjarmi doono ciyaarta Fulham ee Khamiista, taasina noqon doonto kulankiisa ugu dambeeya haddii uu guul ka keeni waayo.

The Sun waxa uu sheegay in Aston Villa ay xidhiidh la samaynayso Thomas Tuchel oo ay doonayso inay magacowdo, sidoo kalena Mauricio Pochettino ayay isagana xidhiidh la sameeyeen oo kusoo baxay liiska gaaban ee macallimiinta ay kala xulanayso.

 

Leave a Reply