Kabtanka Barca oo ka Cadhooday Eedaha Loo Jeediyey & Go’aan Adag oo uu Qaatay

0
185

Kaddib canaan badan oo loo jeediyey kulamadii Inter Milana iyo Real Madrid, kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa go’aan ku gaadhay inuu iskaga tago Camp Nou, isaga oo ka cadhaysan canaantii badnayd ee loo jeediyey.

34 jirkan ayaa lagu eedeeyey inuu lahaa qaladka mid ka mid ah goolashii Inter Milan ay kaga dhalisay garoonka Spotify Camp Nou toddobaadkii hore, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-3, taas oo god madow ku ridday rajadii ay Barcelona ugu soo baxaysay wareegga 16ka Champions League.

Waxa kale oo canaantu kusii badatay ciyaartii Real Madrid ee El Clasico ee Axaddii oo lagu eedeeyey inuu sabab u ahaa goolka koowaad ee Real Madrid ka dhalisay oo uu Toni Kroos ka joojin waayey inuu kubbad u dhiibo Vinicius oo goolhayaha ula tegay, laakiin uu kubadda dhamaystiray Karim Benzema, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-1.

Marka laga yimaaddo qaladaadka goolasha, Busquets ayay gebi ahaanba ciyaartiisu liidatay kulankii El Clasico, waxaana qariyey ruug-caddaayada Madrid ee Luka Modric iyo Toni Kroos oo dhinac walba  ka jiidhay.

Tababare Xavi Hernandez ayaa la sheegay inuu qolka labbiska dhexdiisa ku canaantay Busquets oo uu waliba u sheegay in aanu ciyaarta Khamiista dheeli doonin, waana sababta keentay in uu laacibkani cadhoodo oo uu waliba ku hanjabo inuu iskaga tegayo kooxda marka uu xilli ciyaareedku dhamaado.

Wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa saaka boggiisa hore ku daabacay war uu ku sheegayo in Busquets uu ka cadhaysan yahay sida loola dhaqmayo, waxaanu dareensan yahay in ixtiraam-darro ay tahay qaabka loo eedaynayo iyadoo la illoobayo wixii uu kooxda usoo qabtay.

Mundo Deportivo ayaa intaa ku daray, in Busquets uu u sheegay Xavi Hernandez inuu iskaga tegayo kooxda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, isla markaana aanu cusboonaysiin doonin.

 

Leave a Reply