Nacaska Iyo Fikradiisa Burburinta Bulshada”

0
343

Qofka nacaska ahi wuxu burburin karaa awoodda siyaasadeed iyo kan hayd’adaha kobcaya ee bulshada.

Laakiin weli waa in aan fahano asal ahaan in qofka nacasku halis uu ku  yahay dadka oo dhan. Waxayna ka dhigan tahay awoodda nacasnimada.

Qoraaga buugga  “The basic laws of human stupidity”, Mr. Carlo M. Cipolla, ayaa ku qoray buuggiisa “xeerarka aasaasiga ah ee lagu garto nacasyada isagoo tilmaamay in dadka doqomada ay u sameysan yihiin iney dadka kale baabi’iyaan, laakiin arintaasi u fududayn.  Waxaana uu u sameeyay astaamo lagu garto nacasyada.

Qoraagu waxa uu tilmaamay in astaanta dhabta ah ee doqonka lagu gartaa ay tahay in awoodda uu leeyahay uu khasaare usoo jiido naftiisa iyo bulshada kale. Qofka doqonka ah waa qof aan meel dheer ka fakarin, oo aan eegin gebgebada arinka uu ku kacayo iyo wax uu sababayo. Waxa kale oo uu lumiyaa arrin kasta oo wanaagsan.

Calaamadaha muhiimka ah ee doqonka waxa ka mid ah inuu dadka oo dhan aad  yaraysto oo weliba xaqiro dadaalka ay bixinayaan. Sidoo kale badanaa dadka caqliga badan wuu yasaa.”, waana awoodda wax baab’inta ee gacanta doqomada ku jirta”. Nacaskuna waa kan ugu halista badan.  Suurtagalnimada in qof gaar ahi uu nacas noqdo waa mid ka madax bannaan sifooyinka kale ee qofka (Buugga: The basic laws of human stupidity)

Leave a Reply