Chelsea iyo Liverpool oo Wada-hadallo la Bilaabay Xiddig lala Xidhiidhinayo Man United

0
236

Chelsea iyo Liverpool ayaa xidhiidh la sameeyay Frenkie de Jong iyagoo ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan saxeexa xiddiga bartilmaameedka u ahaa Man United bisha January.

De Jong ayaa xagaagii hore si aad ah loola xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, iyadoo United ay heshiis la gaadhay Barca, kaliya waxaa diiday ciyaaryahanka khadka dhexe.

Erik ten Hag, oo De Jong ku soo maamulay Ajax, ayaa doonayay inuu xiddiga ka dhigo saxeexyadiisa laakiin xiddiga ayaa wax walba u sameeyay sidii uu u diidi lahaa ku biirista Man United.

Ugu dambayn De Jong ayaa go’aansaday inuu sii joogo Barcelona inkastoo kooxda reer Spain ay isku dayday inay ku qasabto in ay iibiso suuqii xagaaga.

Sida laga soo xigtay ESPN, Chelsea iyo Liverpool ayaa haatan isku diyaarinaya in ay saxeexa xiddiga u dhaqaaqaan suuqa January.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay labada kooxood xidhiidh la sameeyeen xiddiga si ay ugu qanciyaan in uu suuqa January ka tago Barcelona.

 

Leave a Reply