Wasaarada Beeraha ayaa olale lagu buufinayo Kaneecada ka fulisay Dooxa Hargeysa.

0
267

Hargeysa(Dawan):-Wasaarada Horumarinta  Beeraha ayaa olale lagu buufinayo Kaneecada ka fulisay Dooxa weyn ee   Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta  Beeraha

Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa  sheegay in muddo toban cisho ah ay wadaan buufinta Kaneecada oo  keentay  Xanuunka xumada ee dalka ka jira,

Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlayay olalahan buufinta Kaneecada.Waxa uu yidhi”Waxaanu olale lagu buufinayo ku qaadnay Kaneecadii baryahan jirtay ee Xanuunka xumadda ku keentay dadka,Xukuumadda Somaliland shacabka ayay u shaqaysaa oo aanu u damqanaynaa.waxaanan Wasaarada Beeraha kaga qayb qaadanaysaa buufinta Kaneecada 12  gaadiid ah oo ah kuwii loogu talo galay buufinta  ayaxa ah,waxaana saaran gaadiidkan suntii lagu buufinayay Kaneecada iyo shaqaalihii ku hawl galayay.waxaana ay xidhan yihiin qalabkii loogu talo galay buufinta,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  waxa uu tilmaamay in dooxa Hargeysa uga bilaabeen  buufinta  geedka Garanwaaga oo ay hoy ka dhigatay Kaneecada.Waxaan uu yidhi”Waxaana aanu ka bilownay buufinta Kaneecada Dooxa Hargeysa oo uu ku badan yahay geedka garanwaaga oo noqday goyga Kaneecada,waxaana aanu ku buufinaynaa suntii Kaneecada,waxaana buufinta socon doontaa toban cisho.waxaana guud ahaan ka buufin doonaa Magaalada Hargeysa kaneecada waxaana laga  buugin doonaa meelaha dhirta ku badan tahay,”

 

 

 

Leave a Reply