FIFA oo Go’aan ka Gaadhaysa in Waddanka Iran laga Ganaaxo Koobka Adduunka iyo Dalalka lagu Beddelayo

0
199

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa loo gudbiyey codsi lagaga dalbaday in Koobka Adduunka laga saaraya waddanka Iran, isla markaana lagu beddelo dalal kale oo aan illaa hadda la cayimin, waxaanay sababtu tahay arrin siyaasadeed oo ay dabada ka riixayaan dalalka reer Galbeedku.

Kubadda cagta ayaa ahaan jirtay mid aanay siyaasaddu ku jirin oo laga ilaaliyo, hase yeeshee sannadkan ayay siyaasaddu qayb weyn ka noqotay ciyaaraha, kaddib markii waddanka Ruushka laga caydhiyey isreeb-reebka Koobka Adduunka, sidoo kalena laga saaray waddamada ku tartamaya tartanka qaramada Yurub ee isreeb-reebka loo gelayo.

Iran ayaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo noqotay fagaareyaasha dunida iyadoo loo jeedinayo dhalliilo laba waji ah, waxaanay midda hore tahay in lagu eedaynayo inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka iibisay waddanka Ruushka oo ku duqaynaya Ukraine iyo midda kale oo ah gabadh ku dhimatay gacanta ciidamada ammaanka oo sababtay in dumarka Iran bannaan=bax sameeyaan.

Iran oo ku jira Group B oo ay ku wehelinayaan England, USA iyo Wales oo ah dalalka  awoodda isbidaya ee doonaya in Iran laga saaro Koobka Adduunka, ayaa waxay FIFA ku riixayaan in ay go’aan adag ka qaadato Iran oo ay ka saarto Koobka Adduunka.

Waa kuwee dalalka beddelaya Iran haddii laga saaro Koobka Adduunka?

FIFA ayaan wali gaadhin go’aan kama dambays ah, waxayse reer galbeedku ka sugayaan jawaab iyadoo loogu marmarsiiyoonayo inay hub ka iibisay Ruushka, halka Maraykanku aanu qarsanin in Yuhuudda iyo dalalka kale ee ay xulafada yihiin uu ka iibiyo hub badan, sida hubka uu Sucuudigu ku burburiyey Yemen oo dhamaantii laga keenay Maraykanka.

Wali ma cadda waddanka lagu beddeli doono Iran haddii ay FIFA go’aamiso inay ka saarto Koobka Adduunka, waxaase la saadaalinayaa Imaaraadka Carabta oo soo galay Isreeb-reebkii bishii June uu kusoo baxay waddanka Australia.

Leave a Reply