Erik Ten Hag oo loo Sheegay Xiddiga uu ku Qasban Yahay inuu, Si Joogto ah u Ciyaarsiiyo

0
201

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa loo sheegay in uu si joogto ah u ciyaarsiiyo oo aanu marnaba fadhiisinin xiddig lagu tilmaamay ‘mid dabiici ah’, kaddib bandhig ciyaareedkii ay ciyartoyda Manchester United ka sameeyeen kulankii Tottenham Hotspur ee Arbacadii.

Halyeygii Man United ee Owen Hargreaves ayaa waxa uu sheegay, in haddii uu Ten Hag doonayo guul iyo ciyaar fiican oo kooxdiisa, in ay tahay inuu si joogto ah waqti walba u ciyaarsiiyo kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro oo uu xusay inuu ka dhigay Red Devils koox aan la loodin karayn.

30 jirkan oo Man United ay lacag 70 milyan oo Gini ah kaga soo iibsatay Real Madrid ayaa ka caawiyey Red Devils inay soo bandhigto mid ka mid ah ciyaaraheedii ugu fiicnaa kulankii Tottenham ay 2-0 ku garaaceen.

Casemiro ayaa ahaa xiddigaha ugu shaqada badnaa, waxaanu isku darsaday kubbad-dhisid iyo kubbad difaacis heersare ah, isaga oo u ogolaanayay ciyaartoyda weerarka inay hore u baxaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay goolal u dhalin lahaayeen, iyaga oo aan ka baqayn in goolkooda loo weydaarto.

Owen Hargreaves ayaa yidhi: “Casemiro waa ciyaartoyga ay tahay in uu baxo oo uu haddana joogo. Waa in uu mar walba ciyaaro. Lisandro Martinez, Raphael Varane iyo Casemiro waa inay hor joogaan David Dea Gea, afartoodaasi waxay u muuqdaan qalcad adag.

“Haddii ay sii wadaan inay shabaqooda ilaashadaan, iyaga oo haysta weeraryahannadooda oo aanu Ronaldo na kusoo bilaabanin, waxay u muuqdaan koox xasilloon difaac ahaan, kubbad-haysashada iyo weerarka.”

Owen Hargreaves oo si gaar h uga hadlayay Casemiro ayaa yidhi: “Casemiro waxa uu doonayaa in uu ciyaaro, xaqiiqaduna waa sidaas. Waxa uu u muuqdaa in uu yahay ciyaartoyga dabiiciga ah ee halkaa, marka aad ku guuleysato shan Champions League na, waxa aad helaysaa xuquuq ay tahay inaad ciyar walba ugu soo bilaabato.”

Si kastaba, Casemiro ayaa ciyaartii Tottenham waxa uu loo diiwaangeliyey toddoba kubbadood oo sare oo uu kaga guuleystay ciyaartoyda kasoo horjeedday, afar taakal, laba kubbadood oo uu dhaxda ka jaray iyo laba badbaadiinood. Waxa kale uu dhamaystiray 84% baasaskii uu bixiyey oo ay ku jiraan laba kubbadood oo goolal noqon karayay oo uu bixiyey.

Leave a Reply