Xiddiga Lama Filaanka ah ee Noqday Kubbad-sameeyaha ugu Wanaagsan Real Madrid

0
332

Kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan Real Madrid xilli ciyaareedkan ayaa noqday xiddig lama filaan ah oo hore looga bartay in aanu xataa ku fiicnayn inuu bixiyo kubadda, waxaana uu hadda ka sare maray maskaxda kooxda ee Luka Modric iyo Toni Kroos.

Ciyaartii ay Real Madrid Sabtidii 3-1 ku garaacday Sevilla, waxa uu Ancelotti kusoo bilaabay Modric, Kroos iyo Tchouameni, iyadoo weerarka dhexena uu ka ciyaarayey Rodrygo Goes maadaama uu dhaawac ku maqnaa Karim Benzema, waxaana garbihiisa ka dheelayey Fede Valverde iyo Vinicius Junior.

Los Blancos ayaa qaybta horeba uu gool u dhaliyey Luka Modric oo uu kubadda goolka u hordhigay Vinicius Junior, waxaana qaybtii labaad ay ku dareen laba kale oo ay saxeexeen Lucas Vazquez iyo Fede Valverde. Labadan gool ee dambe ayaa waxa midkood caawiyey Vinicius oo noqday muhanniga kooxda, isla markaana kubbad uu goolhayaha oo kaliya shabaqa ka xigay u dhiibay Vazquez.

Garabka midig ee xulka qaranka Brazil ayaa isbeddel badan oo ciyaareed sameeyey xilli ciyaareedkan socda iyo midkii ka horreeyey, waxaana uu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxda iyo sidoo kale midka ugu goolal caawinta iyo fursado samaynta badan.

 

Leave a Reply