Messi oo Magacaabay Saddexda Ciyaartoy ee Da’yarta ah ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan

0
261

Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan da’yarta dunida waqtigan, xilli la isku diyaarinayo Koobka Adduunka oo muddo saddex toddobaad ahi ka  hadhsan yihiin.

Lionel Messi oo gool qurux badan u dhaliyey kooxdiisa PSG  habeenkii Jimcaha, ayaa xilli ciyaareed qurux badan ku qaadanaya horyaalka Ligue 1 iyo sidoo kale Champions League, waana mid uga duwan xilli ciyaareedkii ka  horreeyey ee uu sida aadka ah u liitay.

Xiddigan toddobada jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, ayaa waxa uu qayb qaatay doorashada xiddiga da’yarta ee ugu fiicnaa sannadka, waxaanu u codeeyey saddex ciyaartoy oo uu ku jiro laacibka England ee Jude Bellingham maadaama uu yahay kabtanka xulka qaranka  Argentina.

Wargeyksa AS ayaa soo helay ciyaartoydii uu Lionel Messi siiyey codadkiisa xiddigahii ku tartamayay abaal-marinta da’yarta sannadka ee Copa Trophy ee uu ku guuleystay Gavi oo khadka dhexe uga ciyaara Barcelona iyo xulka qaranka Spain.

Jude Bellingham ayaa waxa uu sidoo kalecodad kaalinta saddexaad ah ka  helay Rivaldo, Jean-Pierre Papin iyo Luis Suarez, halka Kaka iyo Lothar Matthaus ay kaalinta labaad ugu codeeyeen, laakiin Michael Owen, Matthias Sammer iyo Zinedine Zidane ayaa ciyaartoyga koowaad ka dhigtay.

Messi ayaa ka sokow Jude Bellingham waxa uu codkiisa siiyey laacibka ay isku kooxda yihiin ee ay u wada  ciyaaraan PSG ee Nuno Mendez oo kaalinta labaad uu geliyey, halka Bellingham uu saddexaad u doortay, waxaana uu ka doorbiday oo uu da’yarka ugu fiican dunida waqtigan ka dhigay Gavi.

Leave a Reply