Pep Guardiola oo Man City Keenaya Xiddigii Burburiyey Liverpool

0
279

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa diyaarinaysa dalab ay ka gudbinayso xiddigii guul-darradii ugu weynayd u xambaariyey Liverpool xilli ciyaareedkan, kaas oo uu tababare Pep Guardiola doonayo inuu keeno Etihad Stadium oo uu ku xoojiyo safkiisa.

City oo difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa doonaysa inay isasii xoojiso, waxaana uu qorshaheedu yahay inay la saxeexato weeraryahanka xulka qaranka Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia ee garabka uga ciyaara Napoli, kaas oo saddex bilood oo kaliya oo uu ka ciyaaray horyaalka Talyaaniga sii jiitay kooxo badan oo ay ka  mid yihiin Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Khvicha Kvaratskhelia oo la barbar-dhigo halyeygii weerarka Georgia ee Georgi Kinkladze ayaa qayb weyn ka qaatay gumaadkii ay Napoli u geysatay Liverpool kulankii koowaad ee Champions League ee xilli ciyaareedkan oo ay 4-1 kusoo karbaasheen.

Waxa uu Khvicha Kvaratskhelia ka mid  ahaa saddexdii weeraryahan ee Napoli ugu soo bilowday ciyaartaas ee nafiska u diiday Liverpool, isaga oo shabaqoodana soo taabtay.

21 jirkan oo ay ciyaartiisu kusoo baxday kooxda Rubin Kazan ayaa ka faa’iidaystay weerarka uu Ruushku ku qaaday Ukraine ee sababay in horyaallada labadaas waddan istaagaan, taas oo keentay in FIFA ay u ogolaato ciyaartoyda  ajaanibka in ay burburin karaan qandaraasyadooda.

Afar bilood ayuu ku qaatay kooxda waddankiisa ee Dinamo Batumi xilli ciyaareedkii hore, ka hor intii aanu £10 milyan oo Gini ugu wareegin Napoli oo uu u saxeexay heshiis shan sannadood ah oo la rumaysan yahay in lagu burburin karayo £65 milyan oo Gini.

City ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso inay Kvaratskhelia kusoo kordhiso kooxdeeda marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, waxaana Pep Guardiola uu ku qancay tayada ciyaareed ee laacibkan gaar ahaan sidii uu u dheelay kulankii Liverpool.

Leave a Reply