Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Gobolka Saaxil oo ka Bilaabmay Magaalada Berbera

0
264

Waxa si rasmi loo bolaabay koobka xidhiidhka kubadda cagta ee gobolka Saaxil, kaasoo ka furmay garoonka Cabdale Stadium ee magaalada Berbera.

Ciyaarta furitaanka koobka xidhiidhka kubada cagta Somaliland ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhalinyarada & ciyaraaha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin iyo Sidoo kale guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Fu’aad Axmed Cali.

Qaar ka mid ah gobollada Somaliland ayaa lasoo gunaanaday koobka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, halka qaar kalena uu weli socdo.

Maalintii Axadda ee todobbaadkan ayay masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo kuwa xidhiidhka kubadda cagta Somaliland fureen tartanka koobka xidhiidhka kubadda cagta ee gobolka Saaxil, kaasoo ay ka qayb galayaan kooxaha kala duwan ee dhisan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Leave a Reply