Maxay Man United uga Naxday Magacaabista Tabobare Unai Emery ee Aston Villa?

0
248

Kooxda Aston Villa oo dhawaan shaqada tababarenimo ee kooxdeeda ka caydhisay Steven Gerrard ayaa bedelkiisa u magacawday tababare Unai Emery oo ay Villarreal kala saxeexdeen.

Emery ayaa kusoo laabanaya Premier League saddex sano kaddib markii uu ka tagay Arsenal isaga oo wakhti qurux badan lasoo qaatay Villarreal oo uu sanadkii 2021 kula soo guuleystay UEFA Europa League.

Man United oo uu wakhtigaas kaga guuleystay tartanka ayaa si weyn ugu dhibtootay inay jabiso taatikada Unai walow ay laba jeer ka adkaadeen markii ay UEFA Champions League isku arkeen xilli ciyaareedkii hore.

Nasiib darro Man United ayaa markale noqonaysa kooxda koowaad ee ay is arkaan Unai isagoo waliba laba kulan oo xidhiidh ah kahor tagaya.

Emery ayaa kulankiisa koowaad ee Villa qaabilaya Man United oo Villa Park kusoo martiyaysa, waa wax aad u adag in tababare laga adkaado ciyaartiisa koowaad isagoo waliba garoonkiisa jooga.

Markale maalmo kaddib kulankaas Premier League, Emery iyo kooxdiisa cusub ayaa booqanaya Old Trafford oo ay kulan Carabao Cup ah kula balansan yihiin

Leave a Reply