Somaliland iyo Taiwan oo iska Kaashanaya arrimaha ciidamada

0
273

Taipei-(Dawan):-Somaliland iyo Taiwan,ayaa iska kaashanaya arrimaha ciidamada iyo tababarka.

Dawladda Taiwan,ayaa Somaliland usoo diraysa khuburo dhanka ciidamada ah oo gacan ka geysan doona tababarka ciidamda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay inay 65 shaqaale ah u dirayso 14 waddan, oo Jamhuuriyadda Somaliland ku jirto.

 

Warka Wasaarada Khaarajiga Taiwan ayaa lagu sheegay in dadkaasi  ay taageeri doonaan ciidamada, waana markii ugu horraysay oo ay Somaliland ku jirto, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MOFA).

 

Taiwan iyo Somaliland ayaa isweydaarsaday xafiisyo wakiillo ah 2020-ka, waxayna sii wanaajiyeen xidhiidhkooda tan iyo xilligaas, iskaashigo dhinacyo kala duwan dhexmareen.

 

 

Leave a Reply