Xisbiga KULMIYE oo Dhoola-tus Siyaasaddeed ka Sameeyey Burco

0
243

Burco(Dawan)-Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE oo isu diyaarinaya sidii uu u difaacan lahaa doorkiisa hoggaaminta asxaabta Qaranka, ayaa kulamo kala duwan oo ka qabsoomay magaalooyinka Berbera iyo Burco la qaatay Taageerayaashiisa jamaahiirta ah ee  u heellan in aanu hoos uga dhicin kaalintiisa saaxada siyaasadda.

 

Wefti ballaadhan oo ka socda  hoggaanka xisbiga oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Togdheer iyo Saaxil, ayaa subaxnimadii hore ee shalay gudaha magaalada Burco kula quraacday dadweynaha, kaddib munaasibad ay habeennimadii habeen hore kaga qaybgaleen Magaalada Burco.

 

Weftiga Xisbiga Kulmiye oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo dardar gelin hawleed oo arrimaha xisbiga ah ku maraya gobolada bariga dalka, ayaa kulan ballaadhan oo la isku xogwaraystay, islamarkaana cududda taageero ee xisbiga lagu muujiyey la qaatay taageerayaasha xisbigaasi ee gobolka Togdheer habeen hore

 

Munaasibaddan oo ahayd mid ilyartu is qabatay oo uu hoolkii kulanku qaadi waayey baaxadda taageerayaashii xamaasadaysnaa ee goobta yimi, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha xisbiga horyaalla, loona xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya taageerayaasha iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, Mudane Mukhtaar Axmed Cali oo munaasibadda daah-furay, ayaa taageerayaasha uga mahadnaqay sida xamaasadda iyo xisbi jacaylka leh ee ay usoo buux-dhaafiyeen kulanka ay la leeyihiin hoggaanka sare ee xisbiga, waxana uu ku booriyey inay halkaas kasii wadaan taageeradoodda.

 

Cuqaal, waxgarad, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerada xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisaba sii xoojinayaan, iyaga oo intaa ku daray inay xuddun u yihiin taageerada KULMIYE.

 

Xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Sahra Saleebaan Cawad oo halkaas ka hadashay, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Togdheer muujiyaan taageerada hagar la’aanta ah ee ay xisbiga u hayaan, iyada oo madaxda xisbiga ee gobolkana arrintaas ku ammaantay.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Mudane Maxamed Ibraahim Nafaqo, ayaa tilmaamay in midnimada iyo isku-duubnidu mar kastastaba astaan u tahay taageerayaasha KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay kor u qaadaan dedaalkooda la xidhiidha sidii uu KULMIYE meel sare uga geli lahaa tartanka ururrada ee dhawaan qorshaysan.

Axmed Nuur Faahiye iyo Nuux Maxamed Xuseen oo kamida guddida fulinta ee xisbiga iyo Sheekh Saleebaan SIciid Cali oo ah xoghayaha Abaabulka ee KULMIYE oo munaasibadda ka hadlay, ayaa taageerayaasha ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay u abaabulan yihiin, islamarkaana uga shaqaynayaan guusha xisbiga, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in xisbiga KUlMIYE yahay xisbi guun ah oo ku jira marxalad ay jiilal kala duwani dhaxlaan.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo la hadlay taageerayaasha, ayaa hoosta xarriiqay inay Burco tahay goob uu ku abtirsado xisbiga KULMIYE oo uu mar walba ku tashado taageeradeeda iyo garab-istaaggeedaba.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay taageerayaasha  ku dhaqan gobolka Togdheer, waxaanu guul ku tilmaamay isu soo baxa xamaasadda leh ee ay halkaasi ku muujiyeen, iyadoo ay tahay xilli habeen ah. Xoghayaha ayaa ku boorriyey inay dedaalkooda halkaa kasii wadaan.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde, ayaa ku dheeraaday waxqabadka kala duwan ee xisbiga iyo xukuumadda uu hoggaamiyaa ka hirgeliyeen dalka muddadii ay xilka hayeen, haatan uu diyaar u yihiin sii horumariyaan horumarkooda iyo dedaalka ay ku hawllan yihiin.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere oo munaasibadda soo gunaanaday, ayaa ugu horrayn u mahadnaqay taageerayaasha KULMIYE ee Togdheer, kuna tilmaamay ma daallayaal si gaar ah ugu suntan dhammaanba guullihii uu xisbigu gaadhay intii uu ka qaybgelayay doorashooyinka dalka.

waxaana uu isu soo baxooda iyo abaabulka ka muuqdaba ku tilmaamay mid astaan u ah inay sii korodhay midnimadii iyo xamaasadda taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Togdheer.

 

Weftiga ayaa la filayaa inay booqasho hawleed ku maraan gobolada kale ee Bariga Dalka.

 

 

Leave a Reply