Barca iyo Real oo Faro Madhan ka Taagan Helitaanka Mucjisada Brazil ee Endrick

0
283

Barcelona iyo Real Madrid ayaa  in muddo ah si dhow ula socday xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Endrick Felipe, laakiin haddana mid walba waxay tartanka kaaga jirtaa daaha dabadiisa iyadoo aanay caddaysanin in ay si dhab ah u doonayaan.

Endrick Felipe oo ay da’diisu tahay 16 jir ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah mucjisooyinka da’yarta ah ee usoo baxy Brazil ee soo gelaya fagaareyaasha kubadda cagta, waxaana uu mar horeba usoo dallacay kooxda koowaad ee Palmeiras oo uu wacdaro ka dhigayo.

Barcelona ayaa hore loo sheegay in ay hoggaaminayso tartanka loogu jiro laacibkan, kaddib markii ay wakiillada Endrick u safreen magaalada Barcelona bishii hore, hase yeeshee kooxdaas ayaa hadda u muuqanaysa inay faraha ka qaadayso damacii ka hayay Endrick Felipe.

Sababta Barcelona uga hadhayso Endrick Felipe ayaa lagu sheegay in ay saaxadda soo galeen kooxo kale oo lacago badan diyaar la ah, sida Paris Saint-Germain oo awood dhaqaale ku muquuninaysa, sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain.

Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Luis Campos ayaa la filayaa in uu toddobaadyada soo socda u safro waddanka Brazil si uu usoo dhamaystiro heshiiska Endrick Felipe oo ay Palmeiras  ku xidhay 35 milyan oo Euro.

Endrick Felipe oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir sannadka 2024 ayaan loo ogolayn in waqtigan uu dibedda uga baxo waddankiisa illaa ay waalidiintiisu qayb ka noqdaan safarkiisa, waxaanay PSG sugi doontaa illaa inta uu gaadhayo da’daas haddiib ay ku qanciyaan Palemeiras  inay kaga iibiyaan lacagtaas.

Barcelona ayaa hore ugu bandhigtay Palmeiras in ay dhawr jeer kala bixiso lacagta laacibkan, waxayse kooxda reer Brazil doonaysaa in qaddin halmari lagu wada bixiyo, waana caqabadda ay Barca waajahayso maadaama ay marka horeba dhaqaale xumo haysay, haddana aanay awoodayn in ciyaartoy 16 jir ah ay dul-dhigaan 35 milyan oo Euro oo qaddin.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa wali muujinaysa xiisaha ay u qabto laacibkan, waxaanay diyaar u tahay inay PSG iyo Barcelona ba kula tartamaan, si uu laacibkani Santiago Bernabeu ugula midoobo Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Reinier Jesus.

 

Leave a Reply