Xikmadaha

0
293

Dadka Caqli badani cid kale in ay maskaxda ka qabsato way iska ilaaliyaan , Ra’yigooda iyo Maskaxdooda ayay ka socdaan , awood ayay u leeyihiin inay dareenka iyo caadifadooda xakameeyaan. Dadkani Isbadalka kama baqaan , waxay jecel yihiin markasta in ay sameeyaan isbadal wanaagsan.

Guulaha dadka kale kama hinaasaan , guushuna waa natiijada dadaalka. Markay isku day fashilma sameeyaan ma quustaan, mar labaad ayay halkii ka sii wadaan ilaa ay guulaystaan. Iskuma dayaan in ay dadka oo dhan raalli galiyaan, maxaa yeelay waa arrin aan suurto gal ahayn.

Waa dad khatarta u badheedha oo aan marnaba ka baqan,laakiin wuxu ku xisaabtamaa  inu kobo halista.  Wixii la soo dhaafay ka xusuustooda wakhti is kagama lumiyaan waxay ka dhigtaan waayo aragnimo. .

 

Leave a Reply