Barakacayaasha Burco oo la Barayo siday ula Tacaali lahaayeen Xummada

0
371

Qodobka labaad ee barnaamijkeena caafimaadka waxaa aynu ku soo qaadan doonaa, bulshada barakacayaasha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo la barayo qaabkii ay ula tacaali lahaayeen xumada maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaysa.

Xumada bulshada sida weyn u saameysay ayaa keentay in bulsho badani ay u naf waayaan, isla markaana kuwa badan ay u jiifaan cisbitaalada, halka qaar kalena ay bulshadoodu wadnaha farta ku hayso in ay ka bixi doonto naftu iyo in kale.

Xumadan ayaa ah mid marka ay qofka ku dhacdo isla markaaba hoos u dhigaysa awoodiisa iyo tamartiisa, sidoo kalena keenaysa dhiig la’aan iyo in qofku sanka iyo afka dhiig ka keeno, halka bulshada qaybo ka mid ahina ay ku kicinayso xannuunadii uu hore u qabay.

 

Haddaba ololahan ka hortaga xumada ee laga sameeyay qaar ka mida barakacayaasha magaalada Burco, ayaa salka ku hayay dabargoynta Kaneecada taasi oo loo sibir saaray in ay keenayso xumadan daran ee bulshada saameynta badan ku yeelatay.

 

Geesta kale waxa barakacayaasha lagu baraarujiyay iyada oo la adeegsanayo codbaahiyayaal sidii loo bannaynlahaa meelaha ay ugxaanta dhigato iyo goobaha biyo fadhiisinada ah ee ay ka dilaacdo iyo in la buufiyo guryaha , dhirta iyo meelkasta oo ay ku noolaan karto dadkana kaga soo kaakici karto.

 

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dadaal adag ugu jirta sidii loo Xakamayn lahaa waxna looga qaban lahaa Xaaladda Xumadda ah ee muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay gobollada iyo dagmooyinka dalka.

Leave a Reply