Shir lagu Gorfaynayo sidii looga Hortagi lahaa Kaneecada oo lagu Qabtay Borama

0
389

Qodobkeena koowaad ee barnaamijka caafimaadka waxa aynu ku soo qaadan doonaa   Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo lagu qabtay kulankan oo looga hadlayay sidii loo dabar gooyn lahaa duumada oo saameeyn ku yeelatay bulshada ku nool gobolkaasi waxaana kulankan ka qeybgalay xubno kamid ah maamulka gobolka Awdal bahda caafimaadka iyo masuulyiin kale.

Isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Mustafe Xuseen Aadan, ayaa ka warbixiyay muhiimada kulankan.

Waxaanu yidhi “Maanta halkan waxa inooga qabsoomay kulankeenii labaad, kaas oo la xidhiidha sidii aan ugu hawlgali lahayd xannuunka Kaneeco keentayda iyo sidii shaqadii aan u bilaabi lahayn.

Fariinta aan dirayo nuxurkeedu waxa uu yahay in dadku ay baraarugsanaadaan oo xannuunkan kaneecadu sababto ku baraarugsanaadaan isla markaana ay la dagaalamaan, dagaalkaasi oo ay ka bilaabayaan guryahooda iyo hareerahooda.

Hudheelada iyo cisbitaalada waa weyn ee bulshadu ku kulmaysa waa in ay si deg deg ah isaga buufiyaan, kaneecada”

Ololahan oo ahaa mid loogu talo galay in bulshada lagaga wacyigeliyo sidii loo yarayn lahaa loona xakamayn lahaa Waxyaabaha keena xumaddan muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay dalka oo ay kaneecadu ugu horayso ayaa lagu maray dhamaan dagmooyinka iyo xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Borama, iyadoo la adeegsanayo 12 gaadiidka dawladda ah oo lagu rakibay/xidhay Codbaahiyayaal si bulshada loogu sheego khatarta Kaneecada iyo Waxyaabaha sababa in ay taranto oo ay ka mid yihiin goobaha Biyo Fadhiisinadda ah, bulaacadaha guryaha hortooda, goobaha dhirtu ku badan tahay IWM.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka awdal ayaa bulshada ugu baaqay in ay qaatan Fariimaha wacyigelinta ah ee ugu imanaya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka si loo yareeyo loona xakameeyo khatarta Xumadda iyo waxyabaaha dhaliyaba, dhawaana laga bilaabi doono wacyigelintan oo kale qaybaha kale ee gobolka awdal, sida Baki, lughaya, Saylac Iyo deegaanada kale ee gobolka awdal.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa ku hawlan sidii ay u xakamayn lahayd una yarayn lahayd xaaladda xumadda ah ee dalka ka jirta sidoo kalana adeegyadda Caafimaadka iyo wacyigelinta u gaadhsiin lahayd dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka.

Leave a Reply