Barcelona oo Shaqada ka Caydhinaysa Tabobare Xavi iyo Macallinka Hore ee Dib ugu Soo Noqonaya

0
291

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaqada ka caydhinaysa Xavi Hernandez, kaddib markii ay xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ka hadheen tartanka Champions League ee ay u dhaadhaceen Europa League, waxaanay dib usoo celinayaan tababare guulo waaweyn ku hoggaamiyey muddo kooban oo uu maamulay, iyadoo la jecel yahayna iska casilay.

Inkasta oo Joan Laporta uu ku adkaystay in aanay shaqada ka caydhinayn Xavi oo uu qayb ka yahay mashruuca dibu-dhiska kooxda, haddana wariyaha ciyaaraha ee Jota Jordi oo ka hawlgala warbaahinta El Chiringuito ayaa sheegay, in Barcelona ay isku dayayso in ay dib ugu yeedhato tababare hore usoo layliyey muddo saddex sannadood ah, sidoo kalena muddo siddeed sannadood ahayd u ciyaaray.

Tababaraha ay Barcelona doonayso waa tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique oo dalkiisa u diyaarinaya Koobka Adduunka ee bisha dambe ee November bilaabmaya, waxaanay ku rajo weyn yihiin in marka uu dhamaado Koobka Adduunku ay ku qancin karaan inuu kusoo laabto shaqada naadiyada.

Saddex sannadood oo uu Luis Enrique tababare u ahaa  Barcelona ayuu u qaaday sagaal koob, iyadoo sannadkii 2015 uu iskugu daray Champions League iyo LaLiga, hase yeeshee 2017 ayuu is-casilay.

Guul-darradii ugu dambaysay ee Bayern Munich iyo natiijooyinkii liitay ee labadii ciyaarood ee Inter Milan oo lagu daray in Real Madrid ay 3-1 ku garaacday, waxay boodhka sare ee kooxdu u arkaan hadda inay lagama maarmaan tahay inay tababare khibrad leh helaan, maadaama ay haystaan ciyaartooyo badan oo wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha Barcelona ayaa la ogaan doonaa inuu guuleysanayo iyo in kale marka uu soo dhamaado Koobka Adduunka ee bisha dambe ka furmaya waddanka Qatar.

 

Leave a Reply