Xiddigaha Reer Brazil ee Real Madrid oo Noqday Muwaadiniin Reer Spain ah

0
277

Xiddigaha Real Madrid ee Rodrygo Goes oo 21 jir ah iyo Eder Militao oo 24 jir ah ayaa ugu dambayntii noqday muwaadiniin reer Spain ah, waxaana la siiyey baasaboorka dalkaas bilo kaddib markii uu garabka weerarka kooxdaas ee Vinicius Junior uu isaguna noqday muwaadin reer Spain ah.

Saddexdan ciyaartoy ee reer Brazil oo sharciga Spain uu dhigayo in ay noqon karaan muwaadiniin dalkaas ah oo ay baasaboorkooda xaq u leeyihiin, ayaa waxay buuxiyeen dhamaan shuruudihii laga doonayay.

Bishii September ayuu Vinicius Junior helay baasaboorka Spain, hase yeeshee Rodrygo Goes iyo Eder Militao ayaan iyaguna waqti badan ka dambaynin oo helaya baasaboorka dalkaas, waxaanay taasi farxad weyn u tahay Real Madrid oo hadda fursad u helaysa inay la saxeexato ciyaartooyo cusub oo aan u dhalanin qaaradda Yurub.

Sharciga ciyaaraha Spain ayaa dhigaya, in aanay kooxina haysan karin wax ka badan saddex ciyaartoy oo aan reer Yurub ahayn, waxaanay taasi caqabad ku noqotay laacibiinta da’da yar ee Kubo iyo Reinier oo ay iibiyeen, laakiin ay dib usoo iibsan kaarayaan. Waxa kale oo heerka da’yarta ay ku diiwaangeliyeen difaaca da’yar ee midig ee Vinicius Tobias oo isagana ay hadda fursad u helayaan in kooxda koowaad loosoo dallacsiiyo.

War-saxaafadeed ay soo saartay Real Madrid ayay ku sheegtay, in saddexdeeda ciyaartoy ee aan Yurubiyaanka ahayn ee Vinicius, Rodrygo iyo Eder Miliao ay heleen baasaboorka Spain, waxaana hadda loo ogol yahay inay la saxeexan karaan saddex ciyaartoy oo kale oo aan haysanin dhalashada Yurub.

Los Blancos ayaa waxa xagaagii tegay ay doonaysay weeraryahanka Brazil ee Gabriel Jesus, hase yeeshee waxay iskaga hadheen doonistiisa markii uu baasaboorka Spain ka habsaamay Vinicius Junior.

Carlo Ancelotti ayaa la sheegayy in hadda uu doonayo inuu kooxdiisa kusoo kordhiyo xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Jude Bellingham oo u dheela Borussia Dortmund isla markaana kooxo badan kula tartamyaan. Ciyaartoyda Ingiriiska ayaa waxa hadda lagu tiriyaa in aanay ahayn reer Yurub maadaama ay ka baxeen Midowga Yurub.

Leave a Reply