Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2023

0
228

Qore: Maxamuud Walaaleeye

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay ku guulaysteen diyaarinta miisaaniyadda sannadka dambe 2023 oo ka badan ta sannadkan, iyadoo ay jireen duruufo badan oo saamayn ku lahaa oo ka jira caalamka ama innaga inoo gaar ahaa.

 

Golaha Wasiirradda Somaliland  ayaa fadhigoodii 101-aad ee Khamiisti oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne-xigeenka Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood iyo falanqeyn dheer ka dib cod aqlabiyad ah ku meelmariyey Miisaaniyad sannadeedka 2023-ka, taas oo ay madaxda sare ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu horgeeyeen Golaha.

 

Miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka ee ay golaha hor-keentay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,581,440,706,340, (Saddex tiriliyan, shan boqol iyo kow iyo sideetan Bilyan, afar boqol iyo afrtan milyan, todoba boqol iyo lixdan kun iyo saddex boqol iyo afartan shilin). Waxaanay wadarta guud ee miisaaniyad sannadkeedkani tii hore ka badan tahay 4%, halka ay misaaniyada dawladda-dhexe tii hore ka badantahay qadar dhan 5% .

Oddoroska Miisaaniyad sannadkeedka 2023-ku waxay u kala korodhay sidan:-

  • Miisaaniyadda guud ee dawladda
  • Miisaaniyadda Dawladda-dhexe
  • Miisaaniyadda dawladaha-hoose
  • Hay’addaha Madaxa-Bannaan
  • Mashaariicda Debeda

Sidoo kale Miisaaniyad-sanadeedka 2023-ka ayaa korodhay ama ka badan tahay tii 2022-kii 4%, halka misaaniyada dawladda dhexe ay korodhay 5% marka loo eego misaaniyadii hore.

Oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2023-ka ayaa muhiimadda koowaad lagu saari doonaa qodobadan hoose:

  1. Amniga
  2. Doorashooyinka
  3. Wax-soo saarka beeraha
  4. Biyaha
  5. Kalluunka
  6. Ilaalinta deegaanka
  7. Ictiraafka
  8. Dugsiyada Farsamada gacanta iyo
  9. Barnaamijka Shaqo Qaran

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad ayuu wasiirku sheegay inay dalka u sameeyaan miisaaniyad daboosha baahiyaha kala duwan ee qaranka, iyaga oo caddeeyey inay si masuuliyadi ku jirto uga baaraan degeen oddoroska ay sameeyeen, iyadoo Madaxweynaha Qaranka iyo xubnaha golaha wasiirraduna ku ammaaneen dedaalkii wasaaradda horumarinta maaliyada iyo hawl-wadeennadeedu ay wakhtiga u geliyeen ka midho dhalinta miisaaniyad sannadkeedka 2023-ka.

Dood iyo falanqayn dheer kaddib, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, cod geliyey ansixinta oddoroska miisaaniyadda, waxana ay goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023-ka, iyadoo ay golaha fadhiyeen 32 wasiir oo dhammaantood u codeeyey, mana jirto cid ka maamustay iyo cid diiday ansixinta miisaaniyadda 2023.

 

Leave a Reply