Waxaynu Xeerarkeena ku Qoranay in Tobankii sano ba mar la furo Ururada Siyaasada.” Cabdicasiis Samale

0
258

Ceerigaabo (Dawan):-Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samale  ayaa sheegay in xeerarka dalka u yaalla ay ku qoran tahay in  tobankii sano-ba  mar in la furo Ururada Siyaasada.

Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samale ayaa  tilmaamay  in Xisbiga Kulmiye doonayo in uu sii haysto Kaalinta koowaad ee  uu kaga jiray intii uu  Mucaaradka ahaa iyo imika oo uu  talada dalka hayo ba,

Cabdicasiis Samaale ayaa  hadal kan ka  jeediyay kulan Xisbiga Kulmiye la qaatay taageerayaashiisa Magaalada Ceerigaabo.Waxaanu yidhi”Wakhti Siyaasiya oo muhiim ah ayaynu taaganay oo aynu ku jirnaa
waxa aynu go,aansanay in Tobankii sanaba mar la furo oo Xeerarkeena ku qoranay in Ururada Siyaasada la furo,markii uu talada la wareegay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo 2010 kii  waxa uu furay Ururada Siyaasada oo xeerku sheegayay,waxaana tartamay Saddexdii Xisbi ee jiray ee Kulmiye UCID iyo UDUB.waxaana saaxada  ka baxay Xisbigii UDUB  waxaana saaxada soo galay Xisbiga Waddani oo Maanta ka mid ah saddexdi Xisbi qaran,”.

Sidoo kale Cabdicasiis Samaale ayaa tilmaamay in Ururada Siyaasada loo furay tobankii sano ee muddo xileedka Xisbiyada oo dhamaaday.Waxaanu yidhi”Tobankii sano mar kale ayay buuxsameen waxaana la furay tartanka saaxada Ururada Siyaasada oo Caawaba ay  idila joogaan Ururo aad u badan oo doonaya in ay soo baxaan, annagu waxa aanu  doonaynaa Kulmiye ahaan kaalinta koowaad ee uu ku jiray in uu sii haysto oo taageerayaashii siday Kulmiye u ahaayeen in ay u sii ahaadaan  tartankaa Ururada Siyaasada iyo Axsaabta ee dhacaya,”

 

Leave a Reply