Tabobaraha Premier League ee Juventus ay ku Beddelayso Max Allegri oo Shaqada Laga Caydhinayo

0
189

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka fiirsanaysa inay shaqada ka caydhiso Maxi Allegri kaddib markii ay ka hadheen Champions League oo ay u dhaadhaceen Europa League xilli ciyaareedkan, iyadoo hormada ay ku jireen ay kasoo gudbeen Benfica iyo PSG.

Juventus ayaa ku jirta xilli ciyaareed adag, waxaana ka sokow Champions League ay meel aan laga filaynin kaga jiraan horyaalka LaLiga oo xilli ciyaareedkii horena ay ka qatanaayeen.

Miiska maamulka kooxda waxa saaran laba arrimood oo ah inay caydhiyaan Maxi Allegri laakiin ka hor inta aanay go’aankan u dhaqaaqin ay gacanta kusoo dhigaan tababarihii beddeli lahaa oo ay tahay inay heshiis ama is-faham lasii gaadhaan, si ay marka la eryo Maxi Allegri ay magacaabistiisa ugu dhawaaqaan.

Tababaraha ay doonayso Juventus waa macallinkeedii hore ee Antonio Conte oo hadda maamula kooxda Premier League ee Tottenham oo heshiiska uu kula jiro uu soconayo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo uu xor ka noqon doono marka la gaadho waqtigaas.

Wargeyska La Gazzetta Dello Sport ayaa sheegay, in Juventus ay isku dayayso inay dib usoo celiso Antonio Conte oo ay ku beddesho Maxi Allegri, balse waxay haddana ogyihiin in looga baahan yahay inay samir muujiyaan illaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay Antonio Conte oo usoo qaataan marka uu dhamaado heshiiskiisa Tottenham.

Old Lady ayaa waxay hadda fadhidaa kaalinta siddeedaad iyada oo 10 dhibcood ka hoosaysa Napoli oo hoggaanka haysa, waxaana la filayaa in xaaladdeedu kasii xumaan doonto sababtoo ah ciyaartoydeeda ayaa niyad-jab saamayn doona ka qaaday Champions League oo ay ka hadheen.

Maxi Allegri oo 55 jir ah ayaa Juventus kula jira heshiis soconaya illaa sannadka 2025, waxaanay kooxdiisu ogtahay in laacago badan ay magdhow u bixin doonaan haddii ay qandaraaskiisa burburiyaan, balse inay u badheedhaan arrintaasi waxba kuma aha haddiiba ay helaan Antonio Conte oo saddex sannadood oo u dhexeeyey 2012 illaa 2014 si xidhiidh ah ugu qaaday horyaalka Serie A.

Leave a Reply