Xukuumada iyo Ganacsatada oo Wadatashi ka Yeeshay Caqabadaha Ganacsiga

0
384

 

Hargeysa-(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii xukuumada iyo ganacsatadu wadajir isaga kaashan lahaayeen horumarinta ganacsiga.

Kulan ay  yeesheen madaxda Rugta Ganacsiga, Wasaarada Ganacsiga, xubno ganacsatada dalka iyo madaxda Maaliyadda ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo horumarin lahaa ganacsiga, wixii cabashooyin jirana loo xallin lahaa.

Xubnaha ganacsatada kulanka ka qeybgalay oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay inay muhiim tahay wada shaqeyn dhow oo xukuumada dhexmarta, si loo helo hufnaanta adeeg-bixinta ganacsiga.

Kulanka ayaa la iskula qaatay in la sameeyo guddiyo farsamo oo ka kooban Wasaarada Maaliyadda, Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada oo ka shaqeeya horumarinta ganacsiga.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Mudane. Maxamed Cabdi Gurxan iyo Agaasimaha Kastamada oo hadalo ka jeediyey ayaa Ganacsatada u ballanqaaday in Wasaarada Maaliyaddu si dhow ula shaqeyn doonto.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Rugta Ganacsiga ay Ganacsatadu leedahay, wixii xal lagu helayo kala shaqeynayaan ganacsatada.

Wasiir-xigeenka Ganacsiga Muuse Selef oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan talooyinka ganacsatada, isla markaana cabashooyinkooda waxii gudaha ah wax ka qaban doonaan.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii xukuumada iyo ganacsatadu wadajir uga shaqeyn lahaayeen horumarinta ganacsiga.

Dr. Sacad ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii talooyinkii dhinacyadu isla qaateen loo fulin lahaa,  isla markaana cabashada ganacsatada laga shaqeyn doono xal u helidooda.

 

 

 

Leave a Reply