Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda oo Shaaciyey Natiijada Imtixaan ay u Fadhiisteen 900 oo Arday

0
326

Hargeysa(Dawan) Machadka Shaqaalaha Dawladda,  ayaa soo dhejiyey Arday ku guulaystay barashada Kulliyaddaha heer Jaamacaddeed ee uu bixiyo oo ay Imtixaan u galeen 900 oo Arday Sanadkan 2022-2023.

 

Saddex Boqol iyo todobaatan (370) ayaa ku guulaystay gelitaanka Jaamacadda Machadka Shaqaalaha Dawladda, sida ay Dawan u sheegeen masuuliyiinta Machadkaasi.

 

900 oo arday ayaa soo codsaday in ay heleen fursada lagu gelayo Machadka Shaqaalaah Dawladda CSI, kuwaasoo ay  530 kamid ahi  waayeen sanadkan.

 

Mac’hadka shaqaalaha dawladdu, waxa uu ka mid yahay Jaamacadda ugu tayada wanaagsan dhinaca waxbarashada heer Jaamacaddeed dalka, iyada oo warbixintii ay dhawaan soo saartay Guddida tacliinta sarena ku tilmaamay inuu yahay hormuudka Jaamacaddaha Dawladda ee dalka.

 

Imtixaanka gelitaanka Machadkan, ayaa ah mid si weyn ardayda loogu kala reebo, si loo ilaaliyo tayada waxbarashada ee Machadka CSI.

 

Ardayda ayaa Imtixaanka u galay shan Kulliyadood oo uu ku bixiyo culuumta heer Jaamacaddeed Mac’hadkaasi, kuwaasoo ay kamid yihiin Maamulka iyo Maareynta, Sharciga iyo Injineerinka.

 

“Tallaabooyinka lagu illaalinayo tayadda waxbarashadda ee machadka waxaa ka mid ah in dhamaan ardayda mac’hadka soo codsanaysa ay u fadhiistaan imtixaan lagu hubinayo inuu heerkoodda aqooneed intu gaadhsiisanyahay una saamaxayo inay weeleeyaan waxbarashadda uu machadku bixinayo.” Sidaasi waxa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyey barta Facebook-ga ee Mac’hadka.

 

Sidoo kale, Agaasimaha fulinta ee mac’hadka CSI Cumar Iid Qaloonbi, ayaa farriin hambalyo ah u diray ardayda guulaysatay waxaanu u rajaynayey Ardayda aan nasiibkoodu siin guusha inay sii waddaan dadaalkoodda ay  waxbarasho ku raadinayaan.

 

Mac’hadkan ayaa sanad walba soo saara tobanaan Aqoonyahan oo ku hubaysan culuum kala duwan, kuwaasoo waxbarashada ay qaateen kula laabta Xafiisyada ay bulshada ugu adeeggaan, waxaana wax-soo-saarkiisu qayb weyn ka yahay horumarinta iyo tayeynta Shaqaalaha Dawladda.

 

Leave a Reply