Wasaaradda Beeraha oo Hawl-galka la-dagaalanka Kaneecada ku Fidinaysa Gobollada Dalka

0
317

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo toddobaadyadii u dambeeyay wadday hawl-gallo qaybaha Magaalada Hargeysa lagaga buufinayo Kaneecada, si looga taxadarro Xanuunka Xumadda oo dalka ku fidaya, ayaa Hawl-galkaasi ku fidinaysa Gobollada dalka.

Wasaaradda oo toddobaadyadii u dambeeyay buufisay Dooxa Hargeysa, Xaafadaha iyo xarumaha wasaaradaha ee dhirta badan leh, ayaa iyadoo ka duulaysa qorshaheedaa si loo suuliyo xanuunka Xumadda ee ka dhasha qaniinyadeeda, ayaa hawl-galkaasi ku fidinaysa Gobollada dalka, waxaana lagu bilaabay Gobolka Hawd, kaasi oo gaadhi buufinaya Kaneecada lagu wareejiyey isku-duwaha wasaaradda Beeraha ee Gobolka Hawd mudane Caydaruus Farxaan Shaacir.

Gaadhiga lagu wareejiyey isku-duwaha, ayaa Hawl-gallo Kaneeco Buufin ah ka samayn doono Magaalada Baligubadle iyo degaannada kale ee Gobolka Hawd ee looga baahdo.

Isu-duwaha Gobolka Hawd oo ka hadlay gaadhiga lagu wareejiyey, ayaa wasiirka Beeraha uga Mahad-celiyey gaadhiga uu ku wareejiyey, waxaanu yidhi “Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo dedaal ugu jirto kor-u-qaadida wax soo saarka beeraha, sidoo kale muddooyinkii u danbeeyayna dedaal dheeraad ah ugu jirta sidii loo dabar goyn lahaa kaneecada oo beryahan danbe sababaysa xanuunka Xumadda (Dengue fever) ayaa saaka nagu wareejisay gaadhi loogu talo galay in kaneecada lagaga buufiyo Gobolka Hawd, gaar ahaan Meelaha Danta-guud ah Iyo meelaha biyo fadhiisinka ah.

Waxaanu uga Mahadnaqaynaa wasiir Cabdiqaadir Iiman Warsame ka qayb-galkiisa ku aadan dedaalka loogu jiro dabar goynta kaneecada oo ah mid wakhti xaadirkan bulshada Somaliland oo dhan baahin wayn u qabto.”

Leave a Reply