Somaliland oo tababartay Soo xidheyaasha Maraakiibta Baylood

0
367

Berbera (Dawan):-Maareeyaha dekaddaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdillaahi, ayaa sheegay in ay tababar u qabteen soo xidhayaasha Maraakiibta dekadda Berbera ee (Bayloodada).

Sidoo kale waxa uu xusay in soo xidhayaashan Maraakiibta (Bayloodadan), in la baray shuruucda Badda iyo masuuliyadeeda, oo u baahan barasho iyo aqoon dheerada.

Tababarkan la siiyay Bayloodadan ayaa wax weyn ka tari doona hawlihii ay ka hayeen dekadda, ee la xidhiidhay soo xidhitaanka Maraakiibta iyo furistooda.

Maareeye Siciid waxa uu sheegay in tababarkan ay iska kaashadeen Hay’adda EUCAP

Waxaanu yidhi.“Waxaannu tababar u qabanay Bayloodada Maraakiibta ku soo xidha isla markaana fura, dekadda Berbera.

Tababarkan aanu u qabanay Bayloodada ayaa ujeedadiisu ahayd shuruucda Badda iyo masuuliyadaheeda.

Tababarkan oo ahaa mid mihiim noo ah ka dekad Berbera ahaan, waxa aanu qabashadiisa iska kaashanay  hay’adda   EUCAP.”

Leave a Reply