Horyaalka Caasimadda: Waxool iyo Goodir oo Dhibcaha ku Qaybsaday Hargeysa Stadium

0
325

Todobbaadka 18aad ee horyaalka caasimadda heerkiisa koowaad ayaa si xiiso leh ku bilaabmay, waana todobbaadyadii ugu dambeeyay ee horyaalka, taasaana xamaasad u yeelaysa kulamada xilligan la ciyaarayo.

Kooxaha heerka koowaad ee Goodir iyo Waxool ayay shalay oo ahayd bilawga todobbaadka 18aad waxay ciyaari ku dhexmartay garoonka kubadda cagta Hargeysa Stadium.

Qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 12aad ayaa gool aad u qurux badan oo ay dhaliyeen weeraryahanada kooxda Goodir FC, waxay garsoorkii ciyaartu ku tilmaameen inuu ahaa hormo dhaaf (Offside).

Qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid u badnayd kubaddo ku wajahan goolka labada kooxood oo ah weerar iyo weerar celis waxay ku dhamaatay 0-0 ay kooxaha Goodir FC iyo Waxool isla dhaafi waayeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la iskugu soo noqday koox kasta waxa ka muuqatay inay awoodda saarayso sidii goolka koowaad ee ay hogaanka ku qabanayso ku keeni lahayd.

Daqiiqadii dheeraadka ahaa ee lagu daray, ka dib dhamaadkii 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ayay kooxda Goodir dhalisay goolkeedii koowaad, kaasoo uu kubad si hoose u socota uu u dhaliyay laacibka Cabdicasiis Qucle, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0 ay saacaddii dhimashada hogaanka ciyaarta ku qabatay kooxda Goodir.

Isla daqiiqadihii dhimashada ee 90-ka ka dib ayay kooxda Waxool heleen kubad koone ah, kaasoo uu qabtay gool-hayaha kooxda Goodir, balse cidhiidhi uu galiyay dhiggiisa kooxda Waxool ay sababtay inuu goolka la galo kubadda, waxaanu garsoorkii ciyaartu go’aamiyay inay tahay, inkastoo ay muran dhalisay, balse waxay ku idlaatay go’aankii garsoorka.

Ugu dambayn ciyaartan ka midka ahayd horyaalka caasimadda heerkiisa koowaad ee maraya todobbaadkii 18aad ayaa ku idlaatay 1-1 ay  labada kooxood ee Goodir FC iyo Waxool isla dhaafi waayeen.

Leave a Reply