20-ka Kooxood ee ugu Shaxaha Qaalisan Horyaallada Qaarada Yurub

0
197

Shabakadda CIES ayaa samaysay qiimaynta 20-ka kooxood ee ugu shaxaha qaalisan qaarada Yurub wakhtigan iyadoo booska koowaad ay xoraysatay kooxda Premier League markii saddexaad oo xidhiidh ah u ordaysa ee Man City.

Shaxda asaasiga ah ee kooxda difaacanaysa Premier League ayay CIES ku qiimaysay 560 Milyan oo pound, kooxda Pep Guardiola ayaa 2021 lacag 100 Milyan oo pound ah kasoo bixisay Jack Grealish oo ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta England.

Kooxda ugu soo dhaw City ayaa ah Paris Saint-Germain oo safkeeda lagu qiimeeyay 439 Milyan oo pound halka Man United booska saddexaad kusoo gashay 413 Milyan oo pound.

Liverpool ayaa kaalinta afraad ee shaxaha ugu qaalisan soo xidhatay iyadoo shaxdeeda kulamadii ugu dambeeyay lagu qiimeeyay 352 Milyan oo pound halka Chelsea shanta sarre ku dhammaystirtay 338 Milyan oo pound.

Liiska Oo Dhammaystiran

  1. Manchester City £560m
  2. Paris Saint-Germain £439m
  3. Manchester United  £413m
  4. Liverpool £352m
  5. Chelsea £338m
  6. Arsenal £329m
  7. Real Madrid £318m
  8. Barcelona £287m
  9. Juventus £258m
  10. Bayern Munich £253m
  11. Newcastle United £221m
  12. Atletico Madrid £216m
  13. Tottenham Hotspur £198m
  14. Napoli £196m
  15. Aston Villa £182m
  16. Wolverhampton Wanderers £174m
  17. West Ham United £171m
  18. Leeds United £163m
  19. Borussia Dortmund £162m
  20. Leicester City £155m

 

Leave a Reply