Karim Benzema oo la Werwersan Yahay inuu Seego Koobka Adduunka

0
238

Didier Deschamps ayaa ka walaacsan in xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema uu seego Koobka Adduunka ee 18-ka maalmood ka dib ka bilaabmaya waddanka Qatar, kaas oo ay u dagaallamayaan sidii ay u difaacan lahaayeen maadaama ay sannadkii 2018 ku guuleysteen.

Karim Benzema oo badhtamaha bishii hore ee October la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or ayaa ku riyoonaya inuu dalkiisa u ciyaaro Koobka Adduunka maadaama aan lagu soo darin sannadkii 2018, hase yeeshee laacibkan ayaa uu xilli ciyaareedkani ugu bilowday dhaawacyo.

34 jirkan oo wax uu Ancelotti ku tilmaamay daal muruqyada ah kaga maqnaa labadii ciyarood ee RB Leipzig iyo Girona ee ay midkoodnaa guul-darrada lasoo kulmeen, midda kalena barbarraha ayaa waxa sidoo kale laga saaray liiska Real Madrid ee ciyaarta Arbacada ee Celtic oo iyadana uu dhaawaca u jiifayo.

Ka hor inta aan loo bixin Koobka Adduunka, waxa kale oo ay Real Madrid dheeli doontaa laba ciyaarood oo ay saddex maalmood u dhexeeyaan oo ay la ciyaarayso Rayo Vallecano iyo Cadiz, lamana hubo in uu Benzema qayb ka noqon doono kulamadaas.

Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa qirtay in Real Madrid ay tahay koox diciif ah la’aanta Benzema, sidaas darteedna ay u baahan yihiin inuu taam usoo noqdo, isaga oo waliba niyad-samaan muujiyey, inkasta oo garoonka tababarka uu ka maqan yahay illaa hadda. Waxa sidoo kale dhaawac fudud ku maqan Aurelien Tchouameni.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in walaaca laga qabo taam ahaanshaha Benzema uu aad usii kordhayo iyadoo 18 maalmood ka hadhsan yihiin waqtiga uu bilaabmayo  Koobka Adduunku.

Leave a Reply