Jihada Wanaagsan Wax Kasta Ka Eeg!

0
271

Muuqaalka dadka sida ay uu u kala duwan yahay ayuu debcigooduna  u kala duwan yahay. Waxa jira dad aan waanaag arag, oo mar kasta dhinaca xun wax ka eega (pessimist). Iyo kuwo mar kata dhinaca wanaagsan wax ka arka oo aan jihada iyo wejiga xun marna wax ka eegin.

 

Markii uu curiyay Enginerkii Maraykanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Mr. Robert Fulton doonadii uumiga ka shaqaynaysay (Steamboat) sanadkii 1807, ayaa bulshadii loo sheegay in ay maalinta berito ah isugu yimaadan webiga Hudson dacalkiisa si ay u arkaan doonida casriga ah socodkeeda.

Dadkii ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa nin dhinaca xun wax ka eega. Markaasi ayuu yidhi “ Doonidaasi ma istaadhmi doonto”.

Markii ay istaandhatay ayuu haddana yidhi “ Doonidan ma dhaqaaqi doonto”. Markii ay dhaqaaqday ayuu haddana yidhi “ Bal waa taasi yaa joojin doona?”.

Sidaasi ayay dad badan wax kasta oo wanaagsan dhinaca sharka iyo xumaanta uga arkaan.

Leave a Reply