Madaxda Soomaaliya Hadday cid Wax u Tarayaan Shacabkooda ayay Badbaadin lahaayeen”Wasiir Koore

0
237

Hargeysa (Dawan):–Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore,  ayaa ka    jawaabay baaqii Guddida Wadatashiga Qaranka Soomaaliya ee ahaa in Somaliland nabadda ilaashato, waxaanu sheegay in Somaliland aanay Soomaaliya talo uga baahnayn.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore wasiirka wasaaradda Somaliland ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya haddii ay awood leedahay oo ay talinayso ay shacabkeeda ka bad baadin lahayd qaraxyada.

Waxaanu yidhi.”Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa riyo hadday dub leeyihiin dabadooda ayay ku qarsan lahaayeen, hadday cid la talinayaan oo wax yihiin, waxay bad baadin lahaayeen shacabka, sida ayaxa u dhimanaya, sida kaneecada la buufiyay, shacabka hortooda ku dhimanaya”

Waxa uu sheegay in shacabka maalinkasta ku dhimanaya qaraxyadu ay xukuumada Soomaaliya uga baahanyihiin talo, balse aanay Somaliland wax talo ah uga baahnayn.

Waxaanu yidhi.”200 ee qof ee kolba guri hoostii laga sooqaadayo iyo 700 ee qof ee dhaawaca la taahaya ayaa talo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna, kuwa talada uga baahan ee hoos jooga waa kuwa tawaawacaya ee marba 250 ka la waayayo saacad gudaheed”

Waxa uu kula taliyay dowladda Soomaaliya in aanay wakhti iskaga lumin arrimaha Somaliland ee ay arrimahooda muhiimadda saaraan, wuxuuna sheegay in xukuumada Somaliland tahay xukuumad cod shacab ku timid, oo hal qof iyo hal cod lagu doortay.

Waxaanu yidhi.“Nin 200 oo qof qol hoostii loo galiyay, oo lagu doortay iyo nin shan jeer doorasho qof iyo cod ah madaxweyneyaal isku baddelay iyo goleyaal isku baddelay, ayuu rabaa nin guri hoostii lagu doortay in uu maanta anaga talo nasiiyo, ceeb ayay ku tahay in umadda Somaliland haddal noocaas oo kale ahi soo gaadhaan,”

Wasiir Koore waxa uu ka hadlay sidii ciidamada millatariga Somaliland ula wareegeen degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool, waxaanu intaas ku daray in ciidanku xaq u leeyihiin inay tagaan meelkasta oo ka mid ah xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u xilsaaran yihiin goobkasta iyo meelkasta xilli kasta, meshi dalka ay rabaan inay tagaan, hubiyaan qiimeeyaan xalaadkasta, oo ka jirta, wax ku cusub maaha in ciidanka Qaranku iyo goobtii loogu talo galayba ay tagaan, ciidamada Qarankuna Boocame hore ayay u joogeen oo guutooyinba ku sugnaa, haddii kuwa kale soo eegana wax ku cusub maaha, meelkasta oo ka mid ah xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ciidanku xaq ayay u leeyihiin inay tagaan,”

 

Waxa uu sheegay in Somaliland qaan gaadhtahay, oo ay ku dhisantahay isku tashiga shacabka, isla markaana  aanay jirin cid wax ku darsatay oo wax u sheeganaysa mudada ay jirtay, wuxuu intaa ku daray in Somaliland taqaano sida ay arrimaheeda u maamulanayso.

 

 

 

Leave a Reply