Somaliland: Hanti Dhawraha Guud oo soo Jeediyay in lacagaha caawimada lagu daro Miisaaniyada Qaranka

0
268

Hargeysa (Dawan) Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, ayaa si cad u sheegay in deeqaha ka baxsan miisaaniyada Qaranka ee ay bixiyaan hay’addaha dawliga ah iyo kuwa Qaramida Midoobay in ay si habaqle ah ugalaan wasaarada iyo hay’addaha dawladda Somaliland, isla markaana aanay ka mid noqonin miisaaniyada Qaranka.

Waxa uu intaas ku daray in aanay lahayn dariiq cad oo loo raaco dabagalkooda, waxaanu soo jeediyay in lacagaha caawimada lagu daro miisaaniyada Qaranka, si loo helo meel loogu soo haggaago.

Waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay warbixintii xisaab-xidhka miisaaniyada 2021 ka horjeediyay mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland.

 

Waxaanu yidhi.“Deeqa ka baxsan miisaaniyadda waxa jira wasaaraddaha dawladdeenu inay helaan deeqo ka baxsan miisaaniyada Qaranka, kuwaas oo laga helo hay’adda dawliya ama kuwa Qaramada Midoobay, intaba lacagahaasi waxa ay si habaqle ah ugalaan, wasaaraddaha iyo  hay’addaha dawladda iyaga oo aan ka mid noqonin miisaaniyada Qaranka, lahayna dariiq cad oo loo raaco dabagalkooda, 8/8/2020-kii madaxweynaha Somaliland waxa uu soo saaray qoraal uu u qaybiyay hay’addaha dawladda oo ku farayo in dhammaan deeqaha soo gala ay raaciyaan miisaaniyada, illaa hadda balse intooda badan sooma raacaan, deeqahan oo ah lacago xadi badan marka la ururiyo, guud ahaana Somaliland u tirsan in adduunku ku caawiyay waxay u baahanyihiin isku dubaridkooda, iyo inay miisaaniyada sicad u raacaan, laguna ogaado meel cad.

Xafiiska hanti dhawrka guud ee Qaranku waxa uu soo jeedinayaa in dhammaan deeqahaasi si isku dubaridsan la isku raaciyo,”

Leave a Reply