Naxariista Waalidka Iyo Ubadka

0
284

Gabadh yar iyo aabaheed ayaa oo ka talaabayay goob biriish ah, ayuu aabuhu uga baqday inantiisa yar biriishka cidhiidhiga ah in ay ka dhacdo.

Aabaha ayaa ku yidhi inantiisa yar “ Aabo gacantayda u qabso si adag si aanad ugu dhicin webiga”. Gabadhii yarayd ayaa ugu jawaabtay Aabo maya, adigu qabo gacantayda”.

Aabaha ayaa si yaab leh u eegay inantiisa yar ooo ku yidhi: “ Oo ma waxa u dhexeeya wax farqi ah “. Si degdeg ayaya ugu jawaabtay “ Haa, haddii aan anigu qabsado waxa laga yaaba inaan u adkaysan waayo oo aan sii daayo, laakiin adigu marna ima sii daynaysid si kasta oo aad u dareento cidhiidhi” . Xikmaduna waa in gacantaada aad u dhiibto kuwo aad jeceshay. Waana waalidku inuu yahay mid u naxariis badan ubadkiisa, sidaasi ayaa adigana lagaa raaba inaad u naxariisto waalidkaaga .

Leave a Reply