Ammaanka Dakhligooda Kordhiyay!

0
252

Tuulo ku taalla dalka Hindiya oo lagu magacaabo Shani Shingnapur ayaa gebi ahaanba guryaha, dugsiyada iyo xataa Baankeedu aanu lahayn albaabo la xidho, iyadoo la sheegay inay taasi ka soo jeedo caadooyin iyo dhaqamo ay aaminsan yihiin dadka tuulada degani.

Lacagta iyo dahabka waxa lagu kaydiyaa qasanado  iyadoo  guryahana loo sameeyo daahyo khafiif ah halka laga galayo taasi oo ah mid ay dumarku xushaan.
Tuuladan guriga keliya oo loo sameeyo albaab ma jiro kaasi oo ay xidhan lahaayeen habeenkii, marka ay seexanayaan si ay isaga ilaaliyaan xayawaanada halista ah iyo Eyda.

Dadka booqda tuuladan  ayaan iyagu seexan haba yaraatee markay waayaan albaab ay iska xidhaan. Tuuladan ayaa la sheegay in aanay joogin wax tuug ah oo alaabooyinka xada. Arintan ayaa xidhiidh la leh caado oo ay aaminsan yihiin dadka degan tuuladan. Dakhliga tuulada ayaa ka soo baxa dalxiiska ay ku yimaadan dad badan oo xiiseeya muuqaalka magaalada aan albaabada lahayn iyo amaankeed. Waxaana la sheegaya in sababta dalxiiskooda kor u qaaday inay tahay mucjisada albaab la’aanta iyo amaanka tuulada oo aad u sareeya

Leave a Reply