Naadiga Asluubta oo u Awood Sheegtay Wasaaradda Ganacsiga, Kuna Harqiyay Goolal

0
164

Iyadoo horyaalka caasimadda heerkiisa 1aad uu marayo todobbaadkii ugu dambeeyay waxa shalay adagi ku dhexmartay garoonka Hargeysa kooxaha Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradda Ganacsiga.

Labadan kooxood ayaa ku kala jiray kaalmo kala duwan kala sareynta dhibcaha kooxda Asluubta ayaa ku jirtay kaalinta shanaad shanta kooxood ee ugu sareeya horyaalka, halka kooxda Wasaaradda Ganacsigu ugu sareysay shanta kooxood ee ugu hooseeya horyaalka.

Ciyaartan oo dardar iyo xamaasad ku bilaabantay ayay labada kooxood soo bandhigeen bilawgiiba kubad weerar u badan, taasoo keentay in daqiiqadihii hore goolal dhashaan.

Daqiiqadii 12aad ee qaybtii hore ee cuyaarta ayaa laacibka lambarka 77aad ee lagu magacaabo Sakariye waxa uu caawimaad ka helay kabtanka kooxdiisa Xamse Yuusuf, kaasoo uu u bedelay gool, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0 ay hogaanka  ku qabatay kooxda wasaaradda Ganacsigu.

Kooxda kubadda cagta ee Asluubta ayaa iskuday badan oo ay ku doonaysay inay keento goolka hogaanka lagaga qabtay, waxay daqiiqadii 40aad ku guuleysatay in laacibka afka hore uga ciyaara ee la yidhaa Khadar Islaam uu dhaliyo goolkoodii koowaad, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1, waxaanay ciyaartu ku dhamaatay qaybteedii hore gool iyo gool.

Isku laabashadii qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa laacibka Khadar Islaam uu goolkiisii labaad dhaliyay daqiiqadii 49aad, kaasoo ay hogaanka kula wareegeen.

Kooxda Asluubta ayaa u muuqatay inay tamar badan lasoo gashay garoonka qaybtii dambe ee ciyaarta, waxaanay isla daqiiqadii 52aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta dhaliyeen goolkoodii 3aad, kaasoo uu madax ugu dhaliyay laacibka Xamse, waxaanay hogaanka kusii dheeraysteen 3-1.

Wasaaradda Ganacsiga oo goolka ku horeysay ciyaarta ayaa u muuqatay qaybtii dambe inay si habqan ah kusoo gashay garoonka, laacibkii dhaliyya goolkii saddexaad ee kooxda Asluubta Xamse Cakuul ayaa kubad laaga toos ah oo uu Xamse Shulaac soo laagay sideeda u sii raaciyay, isla markaana ka dhigay 4-1 ay ku dabaaldegeen kooxda Asluubtu.

Kooxda Asluubta may nasan, isla markaana kumay joogsan afartii gool ee ay dhaliyeen, balse laacibka lagu magacaabo Gacan ayaa dhaliyay goolkii shanaad daqiiqadii 86aad oo ay ku garaaceen kooxda Wasaaradda Ganacsiga.

Ciyaartan oo ka tirsnayd horyaalka caasimadda todobbaadkii 18aad ayaa ku idlaatay 5-1 ay kooxda Asluubtu ugu awood sheegatay kooxda Wasaaradda Ganacsiga.

Leave a Reply