Toni Kroos oo kala Doortay ku Guuleysiga Koobka Adduunka iyo Champions League

0
381

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos ayaa kala doortay ku guuleysiga Koobka Adduunka iyo tartanka UEFA Champions League, xilli uu iskaga hadhay xulka dalkiisa ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee sannadkan lagu qabanayo waddanka Qatar.

Toni Kroos ayaa soo qaatay 15 sannadood oo koobab badan uu gacanta ku dhigay, waxaana ku jira Koobka Adduunka oo sannadkii 2014 uu dalkiisa Germany kula soo qaaday dalka Brazil, halka Real Madrid iyo Bayern Munich uu kula guuleystay shan Champions League iyo koobab kale oo badan.

Kubbad-sameeyahan ayaa waqti hore oo ay kubaddiisu aad u fiican tahay go’aansaday inuu iskaga fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu ka maqnaanayaa Koobka Adduunka ee sannadkan, halka ciyaartooyo waaweyn oo kale uu u yahay riyo ay doonayaan inay ka qayb-galaan.;

Kroos ayaa la weydiiyey midka uu kala doorto midka uu jecel yahay ku guuleysiga Koobka Adduunka ee uu iska diiday ka qayb-galkiisa iyo UEFA Champions League, waxaana uu ku jawaabay: “Aad ayay u adag tahay in la  isbarbar-dhigi karo, macquulna ma aha. Waa labada tartan ee ugu muhiimsan kubadda cagta, anigana marar badan ayaa la i weydiiyey su’aashan.

“In aad ku guuleysato Koobka Adduunku waa waxa ugu wanaagsan abid, afartii sannadoodba hal mar ayaa la ciyaarayaa, aad iyo aadna way u adag tahay in lagu guuleysto. Haddii aad nasiib leedahay waxa aad ciyaaraysaa saddex ama afar jeer, laakiin Champions League waa sannad kasta. Labaduba waxay leeyihiin waqtiyo cajiib ah.”

Leave a Reply