Taliyaha Booliiska oo ku Martiqaaday Dhigiisa Itoobiya iyo Jabuuti 29 Guurada Ciidanka Booliiska Somaliland

0
207

Hargeysa-(Dawan):- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland  Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa shalay dalka ku soo dhoweeyey wefdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Col. Cabdiraxmaan Cali Kaahin, halka Taliye xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Mire uu soo dhoweeyey Wefdi uu hoggaaminayey Taliye-xigeenka Ciidanka Booliiska Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Sarreeye Guuto Cali Cabdi Jaabir

 

Wefdiyada Ciidamadda Booliiska Jabuuti iyo Itoobiya oo socdaal rasmi ah dalka ku yimi ayaa  ka qeybgeli doonaan sannad-guurada 29aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska JSL.

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed oo martiqaad rasmi ah ugu fidiyey Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska dalalka jaararka ee Itoobiya iyo Jabuuti munaasibada Aasaaska Ciidanka, ayaa la filayaa inay munaasibada ka dib, wada hadal ka yeeshaan iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya.

 

Wefdiga Taliyeyaasha Booliiska ee dalalka Jabuuti & Itoobiya ayaa sannadkii afaraad oo xidhiidh ah ka soo qeygelayey munaasibada Aasaaska Ciidanka Booliiska JSL.

 

Leave a Reply