“Qabyaaladu wax aydin yeesho mooyee waxba idinku tari mayso,”.Wasiir Maxamed Kaahin”Wasiir Kaahin

0
422

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in qabyaaladdu cidna waxba ku taran wax ay yeesho mooyee.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa intaa ku daray in nabedgalyo  daradu wax ay innaga dhinto mooyaane aanay waxba innagu tarayn,waxaanu tilaamay in Nabedgalyadu kaabayso nolosha dadka.

Maxamed Kaahin oo Arimahaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Dhallinyarada waxa aan leeyahay waxna nolosheena way kaabayaan waxna ma kaabayaan,waxna dawladnimadeena way kaabayaan oo waa badhi taarayaan waxna badhitaari maayaan.dawladnimadeena iyo nolosheena.nabedgalyo darradu wax ay innaga dhinto mooyaane waxba innagu tari mayso Ninka wadaana waxba innagu tari maayo,qabyaaladu wax ay idin yeesho mooyee waxba idinku tari mayso,”.

Wasiirka ayaa waxa uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Maamulka Soomaaliya.Waxaana uu yidhi”Cidda Xamar joogtaa waxba innagama talin karto waxa aan leeyahay oo aan kula talinayaa 31 Sannadood ayay Umaddu dhiban tahay ee dhibta ka daaya, inaga afar Madaxweyne ayaa iska badalay Doorashadii dalka ka dhacday waxa inoo ymid 150 Dawladood iyo  dhawr iyo toban safiir waa inoo yimaadeen, Doorashooyinkii ka dhacay  Gobalka Geeska Afrika doorashadii  Somaliland  ka dhacday ayaa ugu fiican,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland bixisay  inta badan bi kharashkii ku baxay Doorashooyinkii Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay.Waxaana uu yidhi”Qaadhaanbixiyayaasha aynu wada shaqaynta leenahay   boqolkiiba toban ayay  bixiyeen kharashkii ku baxay Doorashooyinkii Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka,inta kale dawlada Somaliland ayaa wada  bixisay kharashkii ku baxay labadii doorasho Miisaaniyadda waxa ku jira kharashkii ku baxaya  Doorashooyinka soo socda inaga ayaa bixinayna kharashkeeda,”.

 

Leave a Reply