Waa Maxay Sababta Son Heung-Min Looga Mamnuucay Kulanka Tottenham iyp Liverpool ee Axadda?

0
222

Son Heung-min ayaa loo diidayaa in uu ciyaaro kulanka adag ee horyaalka Premier League ee kooxdiisa Tottenham ay Axadda ku martigelin doonto Liverpool, kaddib markii laacibkan laga saaray garoonka qaybta hore ee ciyaartii Marseille ee ay xalay ugu soo gudbeen wareegga 16ka Champions League.

Spurs ayaa ka daba timid Marseille oo qaybtii dambe gool la hormartay, waxaanay ugu beddeshay laba gool oo midka dambe uu daqiiqaddii 95aad dhaliyey Pierre-Emile Hojbjerg.

Son Heung-min ayaa garbaha la qabtay oo laga saaray garoonka markii ay madaxa isku dhufteen difaaca Marseille ee Chancel Mbemba, iyadoo si degdeg ah ay dhakhaatiirtuna gurmad ugu soo fidiyeen ka  hor intii aanu Antonio Conte beddelin, taas oo keenaysa in Son Heung-min uu ka maqnaado ciyaarta Tottenham iyo Liverpool.

Sharciga Premier Leaguue iyo FA ee lasoo saaray xilli ciyaareedkii 2014-15 ayaa waxa uu sheegayaa, in ciyaartoyga dawakha marka ay wax ku dhacaan uu garoomada ka maqnaado ugu yaraan lix maalmood, waxaanu sharcigani saamayn doonaa Son oo aan loo ogolayn inuu yimaaddo tababarka amaba ciyaaro illaa laga gaadhayo maalinta Isniinta.

Son oo 29 jir ah ayaa waxa kaliya loo ogolaan doonaa inuu dheelo ciyaara Carabao Cup ee Nottingham Forest ee Abracad toddobaadka dambe, waxaanay arrintani culays ku keenaysaa tababare Antonio Conte oo ay dhibaato badan ku tahay maqnaanshaha Son Heung-min, iyadoo waliba uu dhaawac u jiifo weeraryahanka Brazil ee Richarlison.

Leave a Reply