Wasiir Kaahin oo ka Hadlay wada Shaqaynta Dawladaha Itoobiya Jabuuti ee Dhanka Ammaanka

0
238

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka hadlay waajibaadka ay u xilsaaran yihiin Ciidamada Booliska.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada Booliska  ay shaqadoodu tahay in ay raadiyaan dadka dambiyada galay,isla,markaana ay   ka hor tagaan.

Maxamed Kaahin Axmed oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Ciidamada Booliska waxa ay u xilsaaran yihiin in ay ka hor  tagaan dunuubta oo Maxkamad geeyaan,waxa aynu la soconaa in dadka qaar ka cawdaan waxaase aan idiin sheegayaa waxa  Booliska raadiyaan Nin dambi galay oo wax dilay oo wax xaday ama wax dhacay,qofna ma jecla in la xidho waxaana ay u xilsaaran yihiin Booliska in dadka dunuubta galay soo  qabtaan iyo in ay ka hor tagaan dambiyadda.dambiya la galay waxa ka mida caruur la daadiyay  oo badh dhinteen dad boqolaal gaadhaya oo la qabtay ayaa booliska looga dhigayaa in dadka ku xadgudbeen  waxyaabaha booliska aan ku amaanayo waxa ka mida dunuubtii dilka ee gacan ku dhiiglayaasha boqolkiiba sideetan ayaa la qabtay,kuwii ugu dambeeyayna waxa ay ka dhaceen  Gobalada Sool iyo Sanaag  waxaana aan ku amaanayaa  Ciidamada qaranka oo  kala hawl galay Ciidamada Booliska labo nin ayaa la raadinayaa intii kalena gacanta ayaa lagu dhigay,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in   Dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti  ka wada shaqeeyaan in aanay dalal kooda usoo  gudbin dadka dambiyada galay.Waxaana uu yidhi”Aduunyada si kasta oo laysku diidan yahay iyo si kasta oo Siyaasada lagu kala duwan yahay waxa qudha oo heshiis ka yihiin,waa in dadka dambiyada galay dalalka u kala gudbin ee layska qabto.taas ayaynu doonaynaa in aynu xoojino oo aanu ku wada shaqaynaa Dawladaha aynu jaarka nahay haday tahay Dawlada federaalka Itoobiya iyo  Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Dawlada Jabuuti waynu wada shaqaynaa hay,adahooda amaanka,”.

Leave a Reply