Xisbiga KULMIYE oo Caddeeyay in uu Diyaar u yahay la Tartanka ururada soo Baxay

0
273

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye ayaa caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu la tartamo ururada siyaasadda ee soo baxay,waxaanu bogaadin u diray 9 ka urur siyaasadeed ee soo gudbay.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere, ayaa soo dhaweeyay sagaalka   urur siyaasadeed ee   kasoo gudbay tartankii madax taabashada kunka qof oo lagu kala saarayay 14 urrur.

Waxa uu xusay Axmed Cabdidheere in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin in ay la tartamaan, horena ula tartameen.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan ka xisbi ahaan sidii ay mar saddexaad ay talada dalka ugu guulaysan lahaayeen.

Waxaanu yidhi.“In ururadii ay ka soo hadheen sagaal la tartamaya saddexda xisbi diyaar ayaanu u nahay haddii aanu xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE nahay in aanu la tartano horena waanu ula tartanay, waxaanu ka shaqaynaynaa tartankaasi sidii aanu mar saddexaad ugu guulaysan  lahayn,”

Leave a Reply