Toban Qodob oo Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland ka mid ah Waajibaadkooda Qaran ee ay Hanteen

0
399

War Bixin Bahda Dawan

Hargeysa(Dawan):- dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu leeyahay ciidamo kala duwan oo u kala abuuran waajibaadyo ciidan oo kala duwan isla markaana mid kastaaba waajibaadkiisa gaarka ah sida ugu habboon ayuu u gutaa waxaanu leeyahay yool iyo bartilaameedyo u jeexan oo ay ku hawl galaan.

Waxaa kale oo ka dhexeeya guud ahaan ciidamada Somaliland wada shaqayn iyo is gacan siin marka ay u kala baahdaan.

Warbixitan waxaan isku dul taagaynaa 10 qodob oo ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland yoolkooda koobaad ee ay qaranka ka difaacaan.

Tobanka qodob ee aan soo wadnaa maaha shaqada keliya ee ay ciidanka illaalada Xeebaha Somaliland qaranka u hayaan laakiin waa yool ay jeexdeen oo ay kaga hor tageen dhibaato kai man lahayd tobankaa qodob haddii aanay naftooda u hirin ka hortaggooda.

Badda Somaliland oo ah Bad aad u dheer oo dhererkeedu yahay 850 KM. ayay hanteen ammaankeeda iyo badqabka gaadiidka badaha iskaga goosha.

Tobanka qodob ee u baahan in la ogaado in ay ku guulaysteen ee ay dalka ka difaaceen,ayaa kala ah.

1.Illaalinta badqabka badda Somaliland iyo marinka gaadiidka badaha.

2.la dagaalanka kalluumaysiga sharci darada ah.

3.la dagaalanka mukhaadaraadka.

4.la dagaaanka tahriibka.

5.la dagaalanka dhoofinta dadka.

6.la dagaalanka dhoofinta khayraadka dalka ee  sharci darada ah.

7.la dagaalanka hubka sharci darada ah.

8.la dagaalanka rasaasta sharci darada ah.

9.la dagaalanka budhcad-badeedda.

10.la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Tobankaa qodob ee ay yoolkooda koobaad ka dhigteen ee ay dalka ka difaaceen ama ay kala dagaalamaan ayaa suura geliyay in badda Somaliland ay noqoto mid ammaan ah oo la isku hallayn karo.

Leave a Reply