Haku Mashquulin Arrin Dhammaaday!

0
204

Ciyaar kubada cagta ah oo dhex maraysa kooxaha dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa la baajiyay 25kii Diseembar 1937 waxyar ka dib markii la bilaabay, iyadoo sababtu ay ahayd dhedo xoogan oo qabsatay jawiga garoonka.

Dhamaan dadkii daawanayay iyo ciyaartowga labada kooxood ayaa garoonka ka baxay si ay uga badbaadaan hawada xumaatay. Waxase aan isagu ka bixin goolhaye Mr. Sam Bartram kaasi oo aan maqlayn siidhigii uu ku joojiyay gasoorahii ciyaarta hagayay, madaama goolkiisa ay dhinaca ka danbeeyay ay qaylo badani ka baxaysay.

Goolhaye Mr.Sam ayaa iska sii joogay goolkiisa qiyaas dhan 20 daqiiqo isagoo weli u haysta in cayaartu ay socoto, mar danbe ayaa nin booliis ahi u yimi  oo u sheegay in ciyaarta la joojiyay dadkiina ay garoonka ka wada baxeen mar hore, isaguna ay tahay inuu meesha iskaga baxsado madaama hawada xun tahay oo ceeryaani qarisay garoonka.

Goolhaya oo yaaban ayaa ugu jawaabay :

“Waan ka xumahay in saaxiibaday ay iloobaan oo ay halista igaga tageen anigoo iyaga ka ilaalinaya guuldarada. Waxaana uu xusuus qorkiisa ku qoray inuu u maleynayay inay kooxdiisa Charton ku mashquulsan tahay weerarka ay ku hayso kooxda Chelsea oo ka soo horjeeday,”!

Kumanaan inaga mid ah ayaa ilaalinaya oo ku mashquulsan arrin dhamaaday mar hore, iskana ilaabay wakhtiga taagan inay halistiisa ka badbaadaan, kana fikiraan horumarkood.

 

Leave a Reply