Xildhibaan Rambo oo ka Hadlay Xeerka Caasimadda oo Golaha Wakiilada Horyaalla

0
262

Hargeysa(Dawan):-Xildhiban Maxamed Xuseen Jaamac  Rambo oo ka mid aH Xildhibaanada Golaha Waliilada ayaa sheegay  in sifo sharciya  lagu bedeli karo Xuduudaha Gobolada dalka.

Maxamed Xuseen Jaamac ayaa tilmaamay in Xeerka Caasimaddu  hor yaaallo Golaha Wakiilada,

Xildhibaan Rambo ayaa sidaa ka sheegaay   qoraal usoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebookga.

Waxaana ay u dhignayd  sidan.

“Dastuurka iyo Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku waxa ay dejiyeen hannaan cad oo wax ka bedel loogu samayn karo xuduudaha degmooyinka iyo gobolada,. Waxa horyaalla Golaha Wakiilada mashruuca sharci ee Xeerka Caasimadda oo si sharci ah loogu dejin doono xuduudaha caasimadda dhammaan afarta jiho.

Sidaas darteed, waxa aan la socod siinayaa bulshada Gobolka Hawd in aanay werwerin oo ay ogaadaan in sifo sharci  oo  keliya wax looga bedeli karo xuduudahooda.”

Leave a Reply