Maalkeena siyaabo Badan ayaynu Janno ugu Raadsan Karnaa.”Wasiirka Diinta oo Farriin u Diray Tijaarta iyo Maayerada

0
190

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali(Albaani),ayaa tijaarta dalka iyo Maayerada farriin u diray kana codsaday in ay ka qayb qaataan hirgelinta iyo bixinta dhulka loogu adeegayo Diinta.

Waxaanu iftiimiyay in waxyaabaha khayriga ah oo la iska kaashada ay yihiin waxyaabaha ugu waawayn ee Janno ALLE lagaga helo.

Wasiir Albaani oo ka qayb galay shalay munaasibad  xadhigga lagaga jarayay xarun loo dhisay gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo dad muxsiniin ahi ay u dhiseen,aya muwaadiniinta dhisayna ALLE uga baryay in khayrka ay sameeyeen uu ka abaal mariyo bulshada kalena ugu baaqay in ay ku dayydaan oo ay dhanka khayriga isu kaashadaan.

“waxaynu isugu nimi dhismaha xaruntan aadka u quruxda badan oo ah xarun ka mid ah xarumaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo ay dhiseen laba muwaadin oo muxsiniin ah, dhulka waxaa ku deeqay xaaji Ismaaciil Mire ALLE ha u naxaristo e, oo markii uu dhulka waqafka ah bixiyay Geeriyooday,ALLE waxaan uga baryaynaa in uu u naxariisto oo dhulkaa uu khayriga u bixiyay ee Diinta ALLE lagaga shaqaynayo camalkiisa wanaagsan ugu daro oo uu janno ku abaal mariyo.

 

Nin kalena waxaa weeye nin muxsin ah oo ka mid ah tijaarta dalka oo codsaday in aan magiciisa la sheegin.oo doonay in camalkiisa wanaagsan ee uu qabtay in uu ALLE ajar kaga doono oo aan cidna is tusin cidna isu sheegin. Isna ALLAH waanu kaga helaya ALLE ajarka uu ka filayo.”

Wasiirka Diinta Somaliland Sheekh Albaani waxaa kale oo uu ka hadlay ka qayb qaadashada dhismeyaasha Khayriga ah iyo ajarka ay ALLE agtiisa ku leeyihiin dadka ka qayb qaata,waxaanu usoo jeediyay tijaarta dalka in ay ka qayb qaataan waxyaabaha wanaagga ummada u ah sida waddooyinka, Biriijyada, dhaamamka biyaha, madarasadaha,cisbitaalada iyo dhammaan wax kasta oo umadda loogu sama falayo.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay wasiirku ka hadlay in qofku is qarin karo ama is sheegi karo marka uu sadaqad ALLE dartii ula baxayo,waxaanu yidhi. Qofku wuu is sheegi karaa waanu is qarin karaa marka uu sadaqad la baxayo laakiin waxaa khayr badan in ay kuu qarsoonaato waxa aad ALLE dartii ula baxaysa.”

Waxaanu intaa raaciyay sida maalka janno loogu heli karo marka khayrka lagaga qayb qaato,waxaanu yidhi. “waxaan tijaarteena usoo jeedinaya in ay ka qayb qaataan dhismeaasha Diinta ALLE loogu shaqaynayo sida Madarasadaha,iyo xarumaha kale dadkeenu waxay aad u dhisaan oo ay khayrkiisa ku tartamaan dhismaha masaajida,masaajiiduna waa waa ugu khayrka badan ee la dhiso laakiin wax kasta oo umadda loogu adeegayo oo khayri ah qofka ka qayb qaataa ajarkeeda wuu helaya,haddaad waddo dhismeheeda ka qayb qaadato,haddaad isguul umada wax lagu barayo ka qaybqaadato iyo haddaad dhaam biyood ama biriij aad samayso waa arrin khayri ah.dawladaha hoosena waxaan odhan lahaa dhul u qorsheeya arrimaha khayriga ah.”

 

 

Leave a Reply