Shirk ku saabsan Maamul daadajinta Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada oo ka furmay Hargeysa

0
165

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaciil, ayaa magaalada Hargeysa ka daahfuray Shirkii labaad ee Hagaha Maamul daadejinta Adeegyada Caafimaadka iyo waxbarashada waxaa kasoo qayb galay shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada iyo hawl wadeenada wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka warbixiyay muhiimada shirka.

Waxaanu yidhi “Su’aashu waxa ay tahay ma inta deeq bixiyayaashu lacagta ina siinayaan ayuunbuu shirkani soconayaa, mise mashruuc dawladda dhexe kalaafo qaaddo oo casharadii iyo waxyaabihii ay ka baratay iyadu dhaqaale intay u raadiso mashruucani mashruuc isku filnaada oo iswada ayuu noqonayaa, marka waa in bajad lagu siiwado loo helaa”

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa sheegay in adeegyada waxbarashada iyo caafimaadku yihiin laba adeeg oo muhiim ah, iyaga oo u mahadceliyay cidkasta oo ka qayb qaadatay shirkaas.

 

 

 

 

Leave a Reply