Goleyaasha Deegaanka 17 Degmo Doorasho oo lagu Tababarayo Hogaaminta Togan iyo u Dhibirsanaanta Haweenka

0
159

Hargeysa(Dawan) ababar la xidhiidha hogaaminta Togan, ayaa uga furmay mudaneyaal ka tirsan Goleyaasha Deegaanka 17 Degmo Doorasho, Magaalada Hargeysa ee Caasimada Dalka maalintii shalay oo Axad ahayd.

 

Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo kaashanaysa Barnaamijka Maamul daadajinta Dawladaha Hoose (JPLG), ayaa  agaasintay tabobarkan oo ah mid baaladhan oo socon doona mudo 4 cisho ah.

Tabobarkaas waxa ka faiidaysan doona mudanayaasha golayaasha degaanka ee la doortay oo ka kala yimid 17 degmo oo dalka ah.

 

Ujeedada guud ee tabobarkani waa in Mudanayaasha Golayaasha Degaanka lagu tabobaro hogaaminta togan  si ay isbedel dhab ah uga sameyeen adeeg bixinta dawladdaha hoose iyo sidoo kale barnaamiyadda horumarineed ee dawladda hoose iyagoo dhug u yeelan doona baahiyaha iyo duruufaha haweenku ay qabaan.

 

Taborbarkani waxa uu xildhibaanada Golayaasha Degaanka ka saacidi doonaa in ay fahmaan baahiyaha gaarka ah ee ay haweenku leeyihiin si loo bixiyo adeegyo iyo barnaamijyo la jaanqadaya baahida haweenka iyo hablaha ee dhinacayadda waxbarashada, cafimaadka, arrimaha bulshada, fayo-dhawrka iyo shaqadda.

 

waxa sidoo kale looga gol leeyahay in mudanayaasha golayaasha degaanku ay si dhab ah u metelaan haweenka madaama oo ay yar yihiin haweenka ku jirra Golayaasha Degaanka Dalka sidoo kalena dhiirigaliyaan ka qaybgalkooda siyaasadda iyo talada dalka.

 

Waxa si rasmiya u furay tabobarkan madax ka kala socotay wasaaraddaha Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Warfaafinta Dhaqan iyo Wacyigalinta, iyo Arrimaha Gudaha.

 

Masuuliyiinta ayaa kula dardaarmay ka qaybgaleyaasha inay ka faa’idaystaan aqoonta lagu barayo muddada uu socdo.

 

 

 

Leave a Reply